Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, June 26, 2008(HOL): Dagaalkan oo dhexmaray  Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa galabta wuxuu ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dagaalkan oo madaafiicda la isugu adeegsaday laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ka fog halka u dagaalka ka dhacay oo ahayd nawaaxiga Isgoyska Tareebuunka ilaa Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan, iyadoo dhinacyadii dagaallamayna ay si aan loo meel dayin u adeegsadeen madaafiic kala duwan.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah oo uu dagaalkan geystay, waxaase lagu soo waramayaa in ay jireen madaafiic ay labada dhinac isku rideen oo ka gudbay halkii uu dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo ay dhici karto in ay dad aan dagaalka ku lug lahayn ay waxyeello ka soo gaarto.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmahan ay xaaladda magaalada Muqdisho ahayd mid aad u degan oo aaney wax dagaallo ah ka dhicin, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkan ku soo hagaagayo xili la filayo in ay maalmahan soo socda Dalka Sacuudiga isugu tagaan saxiixayaashii Heshiiskii Jibouti, kuwaasi oo mar kale dib u saxiixi doona qodobadii ay ku heshiiyeen oo dhigayay in xabadda la joojiyo.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee is-garabsanaya, isla markaana uu meesha ka  baxay maamulkii Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay noqotay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn, isla markaana ay mar kasta ka dhacaan dilal, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia