Khamiis, June 26, 2008(HOL): Maalintii labaad ayaa Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii jeeday Xerada Jate-kuudisho ee Magaalada Beledweyne waxaa lagu weeraray Bam kuwa gacanta laga tooro ah xili ay daba joogeen Booyad biyo ka qaaday gudah Magaalada.
Qaraxa ka dhashay Bamka kadib ayeey Ciidamadu fureen rasaas culus inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ay geysatay rasaasta, lakiin Ciidamadu waxaa ay qab qabteen kooxo dhalinyaro ah oo ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay iyaga oo u sii kaxeeyay dhinaca Xerada Jate-kuudisho.
Maalintii shalay ayaa Weerar kan la mid ah waxaa Ciidamada Itoobiya ku qaadan Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bamka kuwa gacanta laga tuuro ah, iyada oo Ciidamada Itoobiyaanku markii uu weerarku dhacay kadib toogasho ku dileen Nin rayid ah oo marayay meel aan ka fogeyn halka lagu weeraray.
Weeraradan oo ah marka la eego nooc ku cusub Magaalada Beledweyne ayeey dadku ka muujinayaan cabsi aad u weyn maadaama inta badan weeraradu ka dhacayaan goobaha shacabku ku badan yahay.
dhinaca kale Magaalada Beledweyne ayaa hada u muuqta mid hubku caadi ka noqonayo waxaana marka aad dhax socto bartamaha magaalada Idhahaagu qabanayaan dad rayid ah oo gacmaha ku sita noocyada hubka, waxaana tani ay muujineysaa sida amaanku faraha uga sii baxayo.
HOL oo isku dayday in arimaha la xiriira Nabad-galyada wax ka weydiiso Gudoomiyaha Degmada ayaa u suurta galin taa maadaama uu ka cudur daartay Gudoomiyuhu in xiligan u ka hadlo wax yaabaha ka socda gudaha magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Bam lagu weeraray maalintii labaad Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo lagu dilay Saldhigga Booliska Degmada Dayniile
- Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Burcad Badeed Soomaali ah oo Dad Ajaaniib ah heystay oo dalbaday Lacag Madax furasho ah
- Saraakiil tababar ka waday Xerada Mannaas oo meydkooda laga helay duleedka Xeradaas
- Wariye C/qaadir Nuunow oo Xabsi uu ku xirnaa laga sii daayay
- Wasiiru Dowlaha Amniga Puntlad oo sheegay in weerar lagu qaadi Kooxo Burcad Badeed ah oo afduub u haysta Markab laga leeyahay Dalka Jarmalka