Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Markab laga leeyahay Dalka Japan oo Kooxo Burcad ah ay ka af-duubteen Xeebaha Gobolka Bari

Cabirka Farta

Arbaco, July 23, 2008(HOL): Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaan ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin kooxo burcad badeed ah oo Markab laga leeyahay Dalka Jaban ku af-duubtay Xeebta Caluula ee gobolka bari shalay galinkii danbe.

Markabkan ayaa lagu Magacaabaa MV Stella Maris ,waxaana kooxahani Buracad Badeedka ah ay afduubteen xilii uu Marayay meel u dhaw xeebaha Gobolka Bari.

Dhinaca kale Sarkaal katirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in 38 Burcad ah oo si xooggan u hubaysan ay Markabkaasi ka afduubteen Biyaha Gacanka Cadmeed, iyadoo uu intaasi ku diray in Maamulka Puntland uu dusha kala socddo Meesha ay doonayaan in kooxahaasi ay Geeyaan markabkaasi.

Ma jirto wax dalab ah oo ilaa iyo hadda ka soo yeeray kooxahaasi Burcad Badeedka ah oo ku aadan in ay rabaan wax Madax furasho ah oo ay ka qaataan Markabka ay af-duubka u haystaan.

ilaa iyo hadda lama cadayn karo shaqaalaha dul saaran Markabkaasi oo Maalintii labaad ay kooxo burcada badeed ah afduub ugu haystaan xeebaha Gobolka Bari ,waxaana Markabkan uu qaadi karaa 52'000 tan.

Markabkan waxaa Mulkiyaddiisa iska leh Shirkad lagu Magacaabo Turtel Marine Shiping, waxaana Maamusha shirkad lagu Magacaabo MMS oo dalka Japan ku taala.

Biyo Badeedka Somalia oo aaney jirin cid si toos ah isaga xil saartay Ilaalintooda ayaa lagu sheegay kuwa ugu khatarta badan dunida oo dhan waxaana sanadkii hore oo kaliya lagu afduubay 25 markab.

Dhawaan ayay ahayd markii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyey in dal kasta uu Maraakib dagaal u diri karo Xeebaha Somalia si looga hortago khatarta Kooxaha Burcadeedka.

Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia