Arbaco, July 23, 2008(HOL): Waxaa saakay dhamaan Is-goysyada Magaalada Beledweyne iyo goobaha dadku ku badan yahay lagu arkayay Warqado Digniin ah oo ku wajahan Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo isdaba jooga ah la lahaa Saraakiisha Ciidaamda Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.
Qoraalka Digniinta ah oo si gaar ah Magaciisa loogu xusay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa looga digay Odayaasha la kulanka sida qoraalka lagu sheegay gumeysiga dalka ku soo duulay oo loola jeedo Ciidamada Itoobiya, islamarkaana haddii ay ku sii adkeystaan ay mudan doonaan ciqaab dil ah.
"Waxaan arintan marqaati uga dhigeynaa bulshada ku dhaqan Gobalka Hiiraan si loo ogaado in Digniintu gaartay Odayaasha Dhaqanka” ayaa lagu yiri qoraalka oo muuqday mid xalay uun la soo saaray.
Gudoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Dacar Xirsi Xooshow oo si gaar ah magaciisa loo soo qaatay oo ay HOL xiriir la sameysay ayaa sheegay in Digniintaasi soo gaartay, laakiin uu jawaab ka bixin doono kadib marka uu soo dhamaado kulan maanta arintan ay ka yeelan doonaan Odayaasha dhaqanka.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa walaac badan ka muujinaya cawaaqibka ka dhalan kara Digniinta loo jeediyay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn ugu howlanaa baajinta dagaal ka dhaca gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana su'aasha ugu weyn ee lays weydiinayo ay tahay mar haddii uu go'ay xiriirkii u dhaxeeyay Odayaasha iyo Saraakiisha Itoobiya tallaabada xigta ee la qaadayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia