Arbaco, July 23, 2008(HOL): Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxay sameysteen hoggaan cusub, iyagoo dhinaca kalena ku dhawaaqay in ay xilka ka qaadeen mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Shir ay xubnahaas ku yeesheen magaalada Asmara ayay Guddoomiyaha Isbaheysiga iyo kan Guddiga Fulinta ay ugu doorteen Shiikh Xasan Daahir Aweys, halka ay Guddoomiyaha Golaha Dhexe-na u doorteen Shariif Saalax Maxamed Cali, iyagoo sheegay in ay xilalkaas ka qaadeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in la magacaabo xubno kale oo ka tirsan Guddiga Fulinta, kuwaasi oo dabcan iyana lagu bedeli doono xubno ka tirsan Guddiga Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo doorashadaas kadib u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay xil ka qaadistaas ku sameeyeen Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan kadib markii sida uu yiri ay ka weecdeen dhabihii Isbaheysiga u jeexnaa iyo weliba Axdigii u degsanaa.
Mar la weydiiyay Shiikh Xasan in ay Kooram u heystaan xil ka qaadista ay mas’uuliyiintaas ku sameeyeen waxaa uu sheegay in aanan mararka qaarkood Kooram loo baahneyn, wuxuuna intaas ku daray in ay go’aankaas qaateen kadib markii lagu guuleysan waayay waxyaabihii la isku qabtay.
Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo xubnahiisa ay kala fadhiyaan Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti ayaa wuxuu noqday lago garab oo leh labo hoggaan oo iska soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia