Ciidamadii Itoobiya ee soo gaaray Deegaanka Kala-beyr oo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Feer-feer

Cabirka Farta
Arbaco, July 02, 2008 (HOL): Sida ay ku waramayaan dadka ku dhaqan deegaanka Kalebeyr oo 25km dhinaca W/bari kaga beegan Magaalada Beledweyne galinkii danbe ee maanta ayaa la arkayay Ciidamadii Itoobiya ee halkaa soo gaaray oo intooda badan u dhaqaaqay dhinaca watada gasha Degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Ciidamada u dhaqaaqay Feer-feer ayeey wararku sheegayaan in wateen ilaa 10 gaadiidka dagaalka ah oo qaarkood is jiidayay kuwaa oo loo maleynayo in wax yeelo ka soo gaartay dagaalkii maalintii shalay ku qabsaday Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, sidoo kalana waxaa uu warku intaa ku darayaan in qaar ka mid ah gadiidka loo maleynayo in ay saarnaayeen Ciidamado dhaawac ah.
 
Ilaa hada lama oga ilaa inta ay sii joogi doonaan Ciidamada Itoobiya deegaanka Kalabeyr oo ah goob siweyn ugu haboon la socoshada dhaq-dhaqaaqa Malatari ee ka jira Gobalada dhexe, lakiin marka la eego xaalada hada taagan waxaa hubaal ah in Ciidamada Itoobiyaanku maalmo ku sii nagaan doonaan halka hada fariisinka u ah.
 
Xoogagga Makamadaha Islaamiga ee iyagu hada gacanta ku haya inta badan Gobalka Hiiraan ayaa misaafo ka yar ilaa  3-km waxaa ay u jiraan halka hada fariisinka  u ah Ciidamada Itoobiya taa oo muujineysa in mar walba xaalku is badali karo.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo deeganada ku teedsan watada Laamiga ah ayaa sheegaya in dadkii ku dhaqan isaga sii baxeen gaar ahaan Tuulooyinka Beer-gadiid, iyo Ceel-gaal oo hadii uu dagaal ka dhaco deegaanka Kala-beyr saameynta ugu xun uu ku yeelanayo.
 
Marka la eego Jogoraafi ahaan iyo Itiraatiji ahaa goobaha hada laysku hayo waxaa muuqaneysa in Xoogagga Maxkamaduhu heystaan fursado ay mar walba ku wax yeeleyn karaan ugu yaraan Ciidamada Itoobiya waayo waayo dhul Buuraleyn ah dhinacyaduna ka xigaan keymo is qabsaday oo si fudud ay ugu dhuuman karaan Ciidamada Makamaduhu maadaama Ciidamada Itoobiyaanku yihiin kuwo aan marnaba ka leexan watada Laamiga ah, iyada oo sidaa ay tahay hadana Ciidamada Itoobiyaanku waxaa ay muuqdaan kuwo siweyn u foogin kana warqabi kara goobaha ugu daran ee wax yeelado ka soo gaari karto waana tan keentay in aysan adeegsan gadiidka oo ay lugeeyaan.
 
Sikastaba dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo siweyn u hadal haya xaalada ka taagan gudaha Gobalka ayaa hadal haya waxa dhici kara marka ay Ciidamada Itoobiyaanku bilaabaan in ay u soo dhaqaaqaan dhinaca fariisinka Jate-kuundisho oo hada xarun u ah Xoogagga Makamadaha.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia