Soomaalida ku dhaqan Magaalada Johannesburg oo u dabaal-degay Munaasabadda 1-da Luulyo

Cabirka Farta


Arbaco, July 02, 2008 (HOL):  Xaflad weyn oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaalida ee  South Africa   (Somali Comminity Board - South africa) ayaa waxaa ka soo qeb galay dad wenye aad u fara badan iyo waliba madax ka socotay Ururka ANC ee Gobolka Gauten oo ay ka mid yihiin Richard Mdiakane oo ah Afhayeenka Baarlamaanka Gobolka iyo  Wasiir ka arimaha Bulshada Mandle Mnkofe ee isla Gobolka, waxaa kale oo ka soo qebgalay Mowlana Musa Lahor oo ah Madaxa CIT Central   Islamic Trust iyo sidoo kale Dunaan Breen Corma oo ka socday arrimaha Qoxootiga.

intaas kadib furitankii  xafladda waxaa ka hadlay  Mudane C/xakiim Maxamed Hadi   oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda isagoo ku dheeraaday muhiimada ay u leedahay maalintan ummada Soomaaliyeed iyadoo ah 48-guuraddii ka soo wareegatay Xorriyadda gobolladda Koonfurta, Midowga Waqooyi iyo Koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Soomaalia.

Intaas kadib waxa hadallo gaaban ka jeediyay Richard Mdiakanni oo u mahad celiyay Dadkii ka soo qeb galay Xafladaas isagoo ugu hambalyeeyay maalintan Qaaliga u ah Ummadda Soomaaliyeed  isagoo soo hadal qaaday sida ay uga xun yihiin dhibaateyntaa Soomaalida kunool dalka Koonfurta Africa na ey isku dayayaan in arrintaas xal laga gaaro, intaas kadib waxaa hadal qiimo badan ka jeediyay Mowlana Muuse oo ku dheeraday sida ay muhiim u tahay Midnimada iyo halka Diinta Islaam ku ka taagan tahay isagoo carab ka ku dhuftay in  ka Urur ahaan  ay la garab tagan yihiin Ummada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah wixii ay u awoodaan oo caawin ah.

Waxaa kaloo ka hadlay Marti Sharaf badan oo ugu hambalyeeyay maalintan Ummada Soomaaliyeed ku weyn ee 1-da Luulyo, waxaa xusid mudan in ay tahay markii ugu horeeysay ee Xaflad noocaan oo kale ah lagu qabto Dalka K/Afrika gar ahaan Magaaladda Johannesburg.




Saciid Cabadulle xerow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesburg, South Africa