Arbaco, July 02, 2008 (HOL): Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaallada la geeyo dadka ku dhaawacma Dagaallada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay saacadihii la soo dhaafay dad tiradoodu gaareyso 18 ruux.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalkaas Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) oo HOL u waramayay ayaa sheegay in Isbitaalka la dhigay dad gaaraya 18 Ruux, kuwaasi oo dhamaantood qaba dhaawacyo rasaaseed iyo qaraxyo.
“Dadkaas oo tiradoodu gaareyso 18 Ruux waxay isugu jireen 8 Caruur ah iyo 10 Ruux oo Dad waa weyn ah, 8-da Caruurta ah mid ka mid ah Isbitaalka ayuu ku geeriyooday 7-dii soo hartayna mid mooyee 6-dii kale Isbitaalka waa laga saaray markii la daweeyay”ayuu yiri Daahir Dheere oo sheegay in Canuga isbitaalka ku haray ee dhaawaca ahna uu dhaawaciisa yahay mid aan darneyn.
Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina Dr. Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) waxaa uu intaas ku daray in dadka la soo gaarsiiyo ay u sameeyaan gurmad deg deg ah iyo daweyn, wuxuuna xusay in ay haatan Isbitaalka ku jiraan dad badan oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Dadkaas dhaawaca ah ee saacadihii la soo dhaafay la dhigay Isbitaalka Madiina ayaa waxay dhamaantood ku dhaawacmeen dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia