Xaflad kulmisay siyaasiyiin kala afkaar duwan oo lagu qabtay Hargeysa

Cabirka Farta

Sabti, 19 July 2008 (HOL): Munaasibad kulmisay Siyaasiyiin kala ahdaaf iyo afkaar duwan oo isugu jiray kuwo ka kala socday Xisbiyada Siyaasadda iyo qaar madax bannaanba, ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Waxaanay siyaasiyiintaasi isweydaarsadeen hadallo saldhiggoodu ahaa duur-xul Siyaasadeed..

Guddoomiye xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa ereyo isugu jiray kaftan iyo duur-xul Siyaasadeed ka jeediyay Xaflad lagu furayay Urur ka shaqeeya arrimaha Xuquuqda Aadamaha. “Markii aan soo galay (Hoolkii Shirku ka socday), waxaan arkay meesha oo wada UDUB ah oo ma noqotaa ayaa I qabatay. Hase ahaatee, markii aan arkay Cawil (Wasiirka Maaliyadda) oo ina-adeerkay ah, Xuseen oo saaxiibkay ah, Cumar (Xoghayaha Siyaasadda UDUB) oo abtigay ruma ah iyo Xaabsade oo abti ii ah, waxaan noqday nin Xaafaddiisii jooga, oo waan soo dhiiraday” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, mar uu ka hadlayay furitaanka Xafladda Xarunta Wada-hadalka iyo Xuquuqda Aadamaha, oo habeen hore lagu qabtay Hotel Maansoor.

Guddoomiye xigeenka 1aad wuxuu Xisbiga talada dalka haya iyo Xukuumadda Somaliland-ba ku eedeeyay inay ku tunteen Xuquuqda Aadamaha. “Muwaadinka reer Somaliland Madaxweynaha ayaa iska xidhi kara, Wasiir baa iska xidhi kara, Booliskaa iska xidhi kara, Dawladaha hoose ayaa iska xidhi kara. Waa wax soo jiray oo saaxiibkay Cawil wax uu yidhi sidaa ha la yidhaahdo maaha, ama ay Dawladdu hadda bilowday, laakiin waa wax ay inagaga tageen Xukumaddii kala duwanaa ee ina soo maray” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Hase ahaatee, dawladdaha ay ka mid tahay teenu xuquuqda aadamaha ma xeeriso oo way ku tumataa. Habeenkii haddaad socoto, Boolis baa ku joojinaya oo wuxuu ku waydiinayaa, halkeed ku socotaa, maxaad u seexan wayday? Maba xuma, oo ha I waydiiyee, ma jiraa Sharci awood u siinaya inuu I waydiiyo. Haddii lagama-maarmaan loo arko, oo ay Dawladdu I tidhaahdo ma neefsan kartid, waan ogolahaye ha soo mariso Baarlamaanka oo Sharci ay soo ansixisay ha u samaysato Xukuumaddu. Laakiin, ma jiro Sharci awood u siinayaa”

Waxaanu Guddoomiye xigeenku u soo jeediyay Ururkan oo ka shaqayn doona arrimaha Xuquuqda aadamaha inay u hawlgalaan adkaynta arrimaha Xuquuqda aadamaha.

Hase ahaatee, Xoghayaha Garabka Siyaasadda ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac, oo isna halka ka hadlay, ayaa jawaab ka bixiyay haddalada Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. “Arrinta uu sheegay inanka aan abtiga u ahay ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, wax badan odhan maayo oo waa la heshiiyaye (Axsaabta Qaranku), wax waa la xidhxidhayaa si loo sugo Dawladnimada, loogana hortago cidda waxyeelaynaysa” ayuu yidhi Cumar Jaamac. Waxaanu sheegay inay Xisbi ahaan soo dhawaynayaan Ururada noocan oo kale ah, isla markaana wuxuu ugu baaqay Ururkan inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha ay ka shaqaynayaan.

Siyaasiyiintan oo u badankoodu hadalkooda ku muujinayeen inay ka dhawrsanayaan arrimaha Siyaasadda, ayaa haddana u muuqday kuwo isu duur-xulayay. Guddoomiye xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Waqaf, oo isna ka hadlay madashaa, ayaa ugu baaqay dadweynaha inay u halgamaan waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin ee arrimaha Xuquuqdooda. “Dawladda Xilka inoo haysa iyo kuwo kaleba way ku xad gudbaan Xuquuqda Aadamaha. Dadka xuquuqdoodu ka maqan yihiiinna waxaan leeyahay, cidina inta ay Saxni ku soo qaaddo, idiin keeni maysee ku dagaallama xaqiina oo wax Ilaahay ogol yahay ha noqdaan waxa aad ku dagaalamaysaan” ayuu yidhi Waqaf, waxaanu u soo jeediyay Ururkan, “Ururo hore ayaa ku turun-turrooday arrintan oo laga hor yimid gudashadii waajibaadkooda, insha Allah inaydaan kuwaa la mid noqon ayaan idiin rejaynayaa, ee arrimahan ka hawlgala”.

Axmed Cabdi Xaabsade oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Xisbiyada Siyaasadda ugu baaqay inay noqdaan kuwo dalka u horseeda horumar. “Dhinaca Siyaasadda lixdamaadkii Xisbigii SYL ayaa bilaabay, nin aqoonyahan ah ayaa sameeyay, markii uu dhimanayay wuxuu ku dardaarmay inaan nin Daarood ah Xilka loo dhiibin, waxaana qabtay nin kale. Taasi waxay ku tusaysaa siday Sharcigu qabiil uga dheer yahay..Xisbiyada waxaan leeyahay ama noqda kuwo dhiga wax lagu intifaaco ama ka hor yimaadda” ayuu yidhi Xaabsade. Waxaanu ugu baaqay Ururkan inay noqdaan kuwo u gargaara dadka danyarta ah oo uu sheegay inay Dawladdu Xabsiyada u taxaabto.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ay dawlad ahaan taageeri doonaan Ururkan. Waxaanu ku dheeraaday sida wada-hadalka iyo wada-tashigu muhiim u yahay. “Waqtiyadii muranka Siyaasadeed jireen, markii wada-hadalku bilaabmayay wax yar uun ka hor ee Qadada laysugu yimid, markii sidaa loo fadhiistayba waxa bilaabantay jacayl walaalnimo iyo is-faham, waana muhiimadda uu wada-hadalku leeyahay” ayuu yidhi Cawil.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xaruntan Mubaarik Ibraahim Aar, Pro. Aadam Xaaji Cali, Boobe Yuusuf Ducaale oo ku hadlayay afka Akaademiga, Axmed Xuseen Ciise,  la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Iskaashiga Caalamiga ah Xuseen Maxamed Faarax, Agaasimaha Dalladda Haweenka Nagaad Aamina X. Maxamuud (Aamina-Milgo) iyo marti-sharaf kale oo dhammaantood ka hadlay muhiimadda Ururkan iyo ujeedooyinka loo aas-aasay, oo la sheegay inay tahay Xarunta wada-hadalka iyo Xuquuqda aadamaha, sida magacaba ka muuqata.
 
Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland