Shirkii Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo Jibouti ka furmay

Cabirka Farta

Sabti, July 19, 2008(HOL): Waxaa saaka ka furmay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti Kalfadhigii labaad ee Golaha Dhex ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo furitaankii shirkaasna ka hadleen madaxda sare ee Isbaheysiga.

Furitaankii Shirka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo Xubnaha Golaha uga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay shir ay Dalka Yemen ku yeesheen qaar ka mid ah Xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in shirkaas lagu laf-gurayay mad-madow soo kala dhexgalay xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in waxyaabaha laga hadlay ay ka mid ahaayeen qodobo ka soo baxay shirkii Jibouti, kuwaasi oo khilaaf ka dhex dhaliyay xubnaha Isbaheysiga, gaar ahaan kuwa Maxkamadaha Islaamka.

“Qodobada sida aadka ah loogu laf-guray Shirkii Yemen waxaa ka mid ah Qodobada keenista  Ciidamo ka socda UN-ka, Xabad-joojinta, Siyaasadda iyo in la cambaareeyo ciddii jebisa heshiiska, dhamaantoodna markii laga dooday isku aragti ayaa laga noqday”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in qodobka ku saabsan ciidamada UN-ka looga qancay in Ciidamadaas ka imaanaya UN-ka ay ka duwanaan doonaan kuwa Itoobiya oo sida uu yiri Soomaaliya ku soo duulay.

Shirka Xubnaha Isbaheysiga uga furmay Magaalada Djibouti ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay weli Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo aan ka xusi karno Shiikh Xasan Daahir Aweys, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Jen. Jaamac Maxamed Qaalib, Shiikh Cumar Iimaan, Xuseen Maxamed Caydiid iyo kuwo kale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia