Sabti, 19 July 2008 (HOL): “Arrinta dadka ku afuudban deegaanka Laasqoray waxa ka hawlgalay Odayaal, dhalinyar iyo dadka deegaanka, oo way bixi lahaayeen dadka wax afduubay, laakiin iyagaa ku xeeran. Waxa kaliya ee ay tari karaan dadka deegaankuna waa dhagax, qaylo iyo inay ilaaliyaan, balse awood kale ma laha. Dhalinyarada ay lacagta siiyeen, Qoriga u dhiibeen ee ay labada dhinac (Somaliland iyo Puntland) meesha dhigeena, maaha wax waxtari kara sidaan filayo.” Sidaa waxa tidhi Faadumo Jibriil oo madax ka ah Hay'ad lagu magacaabo Horn Relief oo doonaysa inay hirgeliso dhismaha dekadda magaalada Laasqoray oo shalay saxaafada uga warantay xaalada deegaankaasi.
In kasta oo maamulka iyo gacan ku haynta degmada Laasqoray ee Somaliland aanay hufnayn isalamarkaana muran ka ooganyahay u dhexeeya dawlada Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya, sidoo kalena buuraha ku hareeraysan ay budh-cad badeed laba qof oo Jarmal ah ku haystaan mudooyinkii ugu danbeeyay, hadana marwo Faadumo waxa ay ku dooday in ay ku tala jiraan dhismaha dekada Laasqoray. “Waxaanu isku daynay in Deegaanka Laasqoray loo maalgeliyo wax nolosha sahla, sida in Dekedda loo dhiso iyo Dariiqyada Dekedda ka baxaya, oo wax ka taraya suuxdinta ku dhacay Ganacsiga Laasqoray. Markaa Dekedda ayaanu in badan ka shaqaynaynay inaanu dhisno haddaanu Hay’adda Horn Relief nahay. Hay’adda Novid/Oxfarm ayaa nagu taageertay ilaa 4-Milyan oo Dollar,” Sidaa ayay tidhi Faadumo waxaana ay intaa ku daray oo ay tidhi “Waxa laga yaabaa inaad isweydiisaan, yaa gacanta ku qabanaya Dekedda, oo waxaynu naqaanaa in Dekedda Berbera ay gacanta ku hayso Dawladdu, waxaanu tusaynaa in Dekedaha yar-yar ee Xeebtaa dheer ee Gaajada lagaga jiro in Dekeddu ay yeelan doonto Guddi maamusha oo lagu soo doorto aqoontooda iyo shaqadooda.
Wixii dekedda shaqadeeda dheer ee lacag ah ee ka soo baxa waxa la samaynayaa Sanduuq lacageed kayd ah oo la wada leeyahay. Sanduuqaa waxa xukumaya bulshada, waxaanay dadka xukumayaa ka imanayaan Bulshada deegaanka Laasqoray degan iyo Bulshada isticmaasha dekedda, oo caadiyan dadka isticmaala dekedaha kale waxba kuma laha iyagu, laakiin dekeddu ma socon karto isticmaalaha la’aantii. Hadda Guddiga Dekedda wadaa waxay joogaan Ceerigaabo, waxaanay u tageen inay dadka deegaanka ku dhaqan oo laga soo calaamadiyay dadka isticmaali doona Dekedda, ay ku wargeliyaan inay iska soo xulaan cidda uga mid noqonaysa Guddiga maamul ee Dekedda (BOD), oo rag iyo Dumar-ba ah. Sababtoo ah, dadka isticmaala oo dhan ee u baahan in wax loo qabto, ayaa Warqad u soo qoronaya Guddiga Maamul oo leh, anaga waxaanu u baahanahay in Caafimaadka nalaga caawiyo, in Waddooyinka nalaga caawiyo IWM. Guddiga ayaa iyana ka fadhiisanaya, una fulinaya hadba siday baahiyuhu u kala muhiimsan yihiin.” Ayay tidhi waxanay bulshada ugu baaqday in laga qayb qaato dhismaha dekada Laasqoray oo ay ku baxayso sida ay sheegtay lacag lagu qadaray ilaa 15 milyan oo dolar.
Intaa ka dib waxaa ay wariyayaashu waydiiyeen Faadumo su’aalo la xidhiidha arrinta ay ka hadashay, waxaana ka mid ahaa.
S: Dawladda Somaliland ma kala hadasheen arrintan?
J: Dawladda waanu ula tagnay arrintan, ballan qaad ayayna noo samaysay Insha Allah.
S: Marka laga yimaaddo halka ay dhacdo Juquraafi ahaan Laasqoray, waxa jira in Maamulka Puntland ay dhinacooda ka sheeganayaan lahaanshaha Deegaanka, haddana waxa jira dad ajaanib ah oo ku afduuban Buuraleyda deegaankaas. Markaa saamayn intee le’eg ayay arrimahaa siyaasadeed ku yeelan karaan hawshan aad waddaan?
J: Khayr iyo Shar wax kasta oo deegaanka ka dhacaa saamayn way ku leeyihiin hawshan, laakiin maadaama aanu ognahay in dalku uu yahay mid dhib u taagan ah, oo waxa dhibta yaraynayaa uu yahay waxa shaqo abuuraya, dhibta ugu badan waxa abuuraya dhalinyarada leh shaqaanu waynay. Khatarteeda waanu joojinaynaa, waanuna maaraynaynaa, haddii aanu wadi waynana waa nasiib. Laakiin, runtii wixii tamartayo ah waanu wadaynaa, oo odhan mayno laba qof oo Ajaanib ah ayaa lagu afduubay oo waanu joojinaynaa dekeddii.
S: Dekedda aad doonaysaan inaad dhistaan ee Laasqoray iyo Dekedda Boosaaso masaafo ahaan waxay isu jiraan wax yar, siyaasad ahaanna Maamulka Puntland ma ogola in la hirgeliyo dhismahan. Markaa sidee ayaad u suurtogelinaysaan fulinta dhismaha Dekedda Laasqoray?
J: Marka hore arrintaasi waa tuhun aad u ballaadhan oo jira, dad badanna noo soo jeedinayaan, hase ahaatee Maamulka Puntland Warqado ayay noo saxeexeen, ay leeyihiin waanu ogolnahay oo waanu taageersanahay, oo waanu xaq dhawraynaa inay hirgesho. Waanu ka gaashaamanay, oo waxaanu samaynay wacyi-gelin ballaadhan, oo waxaanu la shirnay Qabaa’ilka dega Laascaanood, Gaalkacayo, Garowe iyo dhammaan deegaanada kale. Waxay kulligood u arkayaan inay wax u soo kordhay tahay, oo nin waliba halkii dan u ah uu wax ka dhoofsanayo ama ka soo dejinayo, ayna taageersan yihiin in dekedaha la sii badiyo. Sababtoo ah, meesha Bari la yidhaahdo kulligood ma rabaan inay Boosaaso ku xidhnaadaan. Markaa maadaama qolo waliba ay rabto inay Deked samaysato, dantu waxay noqonaysaa Bulshada ku xeeran Xeebaha. Waxaanay noqon doontaa Deked Bulsho, waxaana maamuli doonaa Bulshada ee dawladda shaqo kuma laha, waayo waa wax yar oo maaha Deked Berbera oo kale ah, hadda saddex Wershadood ayaa Laasqoray ku yaala, waxay u xanniban yihiin Deked la’aan, sidaa darteed waxay noqonsaa meel intaa iyo wixii kale eek u soo xidhmi karaa ay ku soo xidhmaan. Markaa dawladda taageere ayay u tahay, ee maaha dawladdu haddii aan waxa lacag cad looga keenaynin inay ka soo hor jeesato, ee waa inay Dawladdu garato in haddii ay tahay meel Bulshada wax u soo saaraysa, waa inay taageeraan.
S: Dawladdu wax Cashuur ah ma laga siinayaa Dekedda, maadaama aad tidhi waa mid Bulshadu maamulayso?
J: Dekeddan Bulshadaa leh, haddii la doonayo Dugsi Saylac ah ayaa Warqad u qoranaya oo odhanayan waxaanu u baahanay waxaas. Markaa Guddigaasi maaha kuwo wax uun siinaya meelaha ay ka yimaaddeen. Haddii ay Dawladda Somaliland tidhaahdo Cashuur baanu u baahanahay waxa isaga imanaya oo ay ka wada hadlayaan wixii ay Dawladdu ka maarmi waydo Guddiga maamul ee Dekedda. Laakiin, ilaa hadda Guddiga Maamul ee ay Bulshadu soo doortaan ayaanu maamulka Dekedda gacanta u gelinaynaa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland