
Jimco, July 18, 2008(HOL): Waa markii ugu horeysay oo wadankeena Soomaliya ka qeyb galo tartanka kubadda Koleyga ee Arab Leage mudo laga joogo 18 sano.
Soomaaliya waxay ka mid aheyd wadammada ugu fiican marka loo eego xaga farsamada oo isla markaana guulo fara badan ka soo hoyey cayaarahaas Arab League.
Sida aad la socataan xiriirka kubadda koleyga soomaaliyeed waxuu ka mid yahey xiriirada ka shaqeeya wadankeena inkastoo wadanka uu ku jiro marxaladu ad u xun balse aysan awood u leaheyn in ay cayaaraha dibada ka qeyb galan.
Cayaarahan oo ka dhacayaan wadanka Morocco ayaa waxaa ka soo qey galey 10 wadan oo kala ah Soomaliya, Jordan, Morocco, Masar, UAE, Siiriya, KSA, Yemen, Tuniisiya iyo Aljeeriya, waxaana loo qeybiyay labo qeybood:
Group 1
Somaaliya
Morocco
UAE
Masar
Jordon
Group2
Siiriya
KSA
Aljeeriya
Tuniziya
Yamen
“Cayaartoyda xulka Qarankeena ayaa waxey ka kala yimaadeen wadanka Canada iyo England waxayna yihiin kuwo aad iyo aad uga xirfo badanaa marka loo eego cayaaryahanada ka imaadey Wadamada kale” ayuu yiri Macalinka xulka Qaranka Soomaaliyeed Omar Anyeelo.
Cayaartii ugu horeysay waxey xulka qaranka soomaaliyeed la yeelatey wadanka Jordan waxaana halkaas ay guushii ku raacdey wadanka Jordan 73-68.
Cayaartii labaad waey la yeesheen wadanka Masar, waxase cayaartaan horaanteeda inta badan hogaanka hesysay wadanka Soomaliya ayaa waxaa dhacdey in cayaartoyda Mohamed Khalif iyo Jamal Nuh oo iyagu ahaa cayaartoyda ugu fiicney in ay cayaarto laga fadhiisiyo ka dib markii ay qaateen 5 faulska. Soomaliya cayaartoyda waxey ahaayeen 8 oo keliya taasi ayaa sababtey in cayaartoyda ay qaataan faulka waayo ma jiraan cayaartoy lagu badelo ayuu yir tababar Omar Anyeelo. Sidaasna way guushii ku raacdey kooxda Masar 92 - 79.
Eng Bana Ali oo isagu ah Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaliyeed ahaana wafuuddi hogaamineysay cayaartoydaan ayaa waxuu yiri “waxaan aad ugu faraxsanhey cayaartoyda Soomaaliyeed dadaalka ay ka muujiyeen waayo cayaaratoydan waxaa laga keenay laba qaaradood oo kala duwan oo waxeyba isla joogeen mudo shan malmood iyo ka yarba. Marka cayaartoy tababar soo qaadaney mudo 3 bilood iyo anaga la isuma barbardhigi karo balse marka loo fiirayo natiijadan waxey inoo tahey guul. Tasina waxey ku tuseysaa in cayaartoyda soomaliyeed ay aad u dadaaleen oo isla markaana ay muujiyeen cayaar wanagii la gu yiqiin. Waxaa muhiimadeyna ahey in aan calanka Soomaliya meesha ka muujino waqtigan xaadirka ah”.
Ugu dambeyntiina, Arab League ayaa aad iyo aad ugu farxey ka soo qeybgalka ay Soomaliya ka soo qeyb gashey cayaarahan waxeyna ballan qaadey in ay taageeri doonaan Wadanka Soomaliya.
Baana Cali
[email protected]