Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Jante-kuundisho oo bilaabay in ay rasaas ku ridaan gaadiidka aan soo marin halka ay degan yihiin

Cabirka Farta
Jimco, July 18, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku leh Xerada duleedka bare ee Magaalada Beledweyne ayaa bilaabay in ay tacshiirad iyo hub culus intaba ku ridaan gaadiidka mara jidadka ka baxsan Xarunta ay degan yihiin ee Jante-kuundisho taasoo qeyb ka ah go'aan ay horay u qaateen Ciidamada.
 
Shalay galinkii dambe ayay Ciidamada Itoobiyaaku hub culus ku rideen gaari noociisu ahaa (Hoomey) oo marayay meel ka baxsan halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya, waxaana sida uu sheegay milkiilaha gaarigaas la tacshiiradeeyay mar kaliya uu ka war helay dhawaaqa hub culus oo ku soo dhacay meel aan ka fogeyn gaarigiisa intaas kadibna uu maqlay rasaas is daba joog ah oo ku dhaceysa hareeraha gaariga.
 
"Markii aan intaas oo dhan la kulmay dib ayaan u soo laabtay oo xitaa waxaa ku sigtay in aan gaariga halkaas uga soo tago” ayuu intaa raaciyay Milkiilaha oo dhinaca kale sheegay in uusan ka warqabin go'aanka horay uga soo baxay Ciidamada Itoobiya.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa horay kulan ay ula qaateen Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan waxaa ay ku sheegeen in aysan u dul qaadan doonin gaadiidka ka leexda Koontaroolka ay joogaan Ciidamada Itoobiya, iyagoo intaas ku daray in ay u arki doonaan gaarigii isku daya in u maro meel ka baxsan Jante-kuundisho mid iyaga cadow ku ah sidaa daraadeed tallaabo ka qaadi doonaan.
 
Sidoo kale waxaa arinka uga sii daray weerarradii is-daba joogga ahaa ee dhawaan lagu qaaday xerada Jante-kuundisho kuwaasoo Ciidamada Itoobiyaanku ku sheegeen in ay ka mas'uul yihiin gaadiidka ka dhuunta Koontaroolka ay joogaan Ciidamada Itoobiya.
 
Laakiin dhinaca gaadiidleyda ayaa iyagu ku doodaya in masaafo aad u dheer ay ku noqoneyso in gaarigu maro Jante-kuundisho hadana uu dib ugu soo laabto wadadii uu rabay in uu ka leexdo, sidaa daraadeed waxaa ay lee yihiin waa in Saraakiisha Itoobiyaanku keenaan go'aan kaas ka gedisan oo lagu wada shaqeyn karo.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, waxaa qasab ku ah in gaadiidleydu qaataan go'aanka ay soo saareen Saraakiisha Itoobiya oo ah mid ay adag tahay in laga hor yimaado, waxaana la oran karaa tallaabadii shalay ay qaadeen Ciidamada Itoobiya waa mid quus galin doonta gadiidley badan oo wali u hanqal taageysa in ay si dhumaaleysi ah u maraan Jidadka ka baxsan halka ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia