Jimco, July 18, 2008(HOL): Dhinacyadii uu khilaafka u dhaxeeyay ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, qeybta Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay Dalka Yemen uga heshiiyeen khilaaf soo kala dhexgalay oo salka ku hayay wada hadalladii ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay ee dhawaan lagu qabtay dalka Jibouti.
Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya qeybta Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu sheegay in shir beryahan u socday Xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay kaga heshiiyeen mad-madow soo kala dhexgalay, wuxuuna sheegay in guddi dhexdhexaadin ah oo heer maxkamadeed ah uu arrintaas ku guuleystay.
Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ka heshiiyeen khilaafaad ka dhashay Shirkii Jibouti, sidoo kalena la isla meel dhigay qodobadii ay labada dhinac isku khilaafsanaayeen.
Qodobada muranka ka taagnaa ee ay labada dhinac heshiiska ka gaareen ayaa waxaa ka mid ah qodobka ku saabsan Ciidamada ka socda UN-ka ee Soomaaliya la keenayo, wuxuuna sheegay in ay labada dhinac isla guddoonsadeen in Ciidamadaas ay noqdaan kuwo ka yimaada Dalalka Islaamka.
Qodobada kale ee Heshiiskii Jibouti ayuu sheegay in ay labada dhinac heshiis ka gaareen, wuxuuse carrabka ku dhuftay in heshiiska ay labada dhinac gaareen uu u baahan yahay daba socod, samir badan iyo sida uu hadalka u yiri in laga run sheego waxyaabaha lagu heshiiyay.
Wufuuddii labada dhinac ka kala socotay ee beryahan ku shirsanaa Dalka Yemen ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay dib ugu noqdeen meelihii ay ka kala yimaadeen, gaar ahaan Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti ee dalalka Eritrea iyo Jibouti.
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa ku bahoobay Maxkamadaha Islaamka xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah, Xubno ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Soomaalida Dibadda ku nool, waxaana haatan si gaar ah heshiis u gaaray dhinacii Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia