Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo maanta gaaray Degmada Berdaale ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Khamiis, July 10, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa maanta waxay gaareen Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay dhawaanahan ku sugnaayeen Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay Degmadaas gaareen iyadoo aaney wax dagaal ah kala hor-imaanin Kooxihii beryahan ku sugnaa Degmada, kuwaasi oo haatan lagu soo waramayo inay ku sugan yihiin meel aan u dheereyn Xarunta Degmada.

Dadka ku dhaqan Degmada Berdaale ayaa waxay cabsi ka muujinayaan inay dushooda ku dagaallamaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, kuwaasi oo kala jooga meelo aan kala fogeyn, waxayna qaar ka mid ah Dadka Degmada durba bilaabeen in ay barakacaan.

Tegitaanka Ciidamada Itoobiya ee Degmada Berdaale ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay Xoogagga Dowladda Federaalka ka soo horjeeda ay marba degmo la wareegayeen Degmooyinka Gobolka Bay, tiiyoo ay xusid mudan tahay in todobaadkan gudahiisa ay Magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ay ka dhaceen Weerarro ay sheegteen Xoogagga Al-Shabaab, kuwaasi oo midkii ugu dambeeyay xalay ku qaaday Xerada Deynuunaay ee duleedka Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia