Xoogagga Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaaday Xerada Deynuunaay ee duleedka Baydhabo

Cabirka Farta

Khamiis, July 10, 2008(HOL): Xoogagga Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ku leeyihiin Xerada Deynuunaay ee duleedka Baydhabo.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay Xoogaggooda weerareen Xerada Deynuunaay, isla markaana ay halkaas ku dileen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

“Xoogagga Al-Shabaab waxay xalay weerareen Xerada Deynuunaay oo ay degan yihiin Ciidamada Kooxda Itoobiyaanka daba orda, madaxa ayaana ka goynay”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in ay sii wadi doonaan weerarrada ay ku qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aaney jirin wax xabad joojin ah oo dalka Soomaaliya ka dhaqangeli kara, wuxuuna sheegay in ay dagaalka sii wadi doonaan ilaa ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.

“Wax xabad joojin la yiraahdo ma jiraan, haatan ayayna xabaddii si rasmi ah u bilaabatay sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa mujaahidiinta in ay isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo”ayuu yiri Abuu Mansuur.

Inkastoo uu Abuu Mansuur sheegayo in ay weerarkii xalay ku dileen askar badan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda hadana Guddoomiyaha Tuulada Deynuunaay Maxamed Isaaq Xasan oo khasaaraha kulankii xalay wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in ay maqleen in askari laga dilay mid kalena laga dhaawacay Ciidamadii Xerada Deynuunaay joogay, isagoo intaasna ku daray in ay sidoo kale dhaawacmeen labo nin oo rayid ah oo saarnaa Gaari waday Dhuxul oo ku sii jeeday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia