Khamiis, July 10, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in aqoonsi loo sameyn doono Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Nabadgelyada C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey oo wax laga weydiiyay waxa ay ka ogyihiin Rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda oo dadka dhaca ayaa wuxuu sheegay in ay dhawaan arrintaas tallaabo ka qaadi doonaan, isla markaana Ciidamada loo sameyn doono aqoonsi gaar ah.
“Askari aan wadan aqoonsi uu sawirkiisa ku dhegan yahay looma ogolaan doono in uu magaalada hub la dhex maro, taasina mar dhow ayaan bilaabeynaa”ayuu yiri C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey oo sheegay in ay dhowr jeer soo gaartay cabasho uga imaaneysay dadka Muqdisho oo ku saabsan dhac ay dadka Muqdisho u geystaan Rag ku labisan Dharka Ciidamada.
Hadalka uu sii daayay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Nabadgelyada C/fataax Shaawey ayaa wuxuu ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaanahan ay dadka Muqdisho ka cabanayeen Rag ku labisan dharka Ciidamada Dowladda oo falal dhac iyo waxyeeleyn kale isugu jira u geysta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia