Sabti, January 05, 2008(HOL): 12 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen oo ka tirsan Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Madaxtooyada Baydhabo.
Xafladdii lagu dhaariyay Wasiirradaas ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaana Wasiirrada halkaas lagu mariyay dhaar ah in ay si daacad ah ugu adeegayaan dalka iyo dadka, xilkoodana ay u gudan doonaan si waafaqsan Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo ka hadlay Xafladdii Wasiirrada lagu dhaariyay ayaa sheegay in Xukuumadda cusub looga fadhiyo in ay mudada u harsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabato wax badan oo la qaban waayay mudadii seddexda sano ahayd ee la soo dhaafay.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in Xukuumadda uu soo dhisay ay tahay mid tiro-yar oo tayo leh, wuxuuna caddeeyay in madaxweynaha uu soo aqbalay Xukuumadda uu Ra’iisal Wasaaraha soo dhisay, waxa u harsanna uu yahay Baarlamaanka Soomaaliya oo uu isna ka rajeeyay in uu codka kalsoonida siin doono.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo isna la hadlayay Wasiiradda Xukuumaddiisa ayaa sheegay in ay Xubnaha Xukuumadda cusub ay hor-taallo howl adag, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Xukuumadda iyo barnaamijkeeda la hor-geyn doono Baarlamaanka, isagoo dhinaca kalena sheegay in Wasiirradii horay u soo shaqeeyay laga doonayo in ay xil-wareejin u sameeyaan Wasiirrada cusub ee la magacaabay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan la ogeyn in uu codka kalsoonida siin doono ama uu u diidi doono Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, inkastoo ay Baarlamaanka ku jiraan Xildhibaano horay seeftooda gasha uga sii baxsaday, isla markaana intii aan la magacaabin Xukuumaddan ku doodayay in haddii beelahooda la qadiyo ay iyana laali doonaan Xukuumadda la soo dhiso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia