Sabti, January 05, 2008(HOL): Labo Diblumaasi oo ka tirsanaa Safaaradda Liibiya ay ku leedahay Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu af-duubtay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Diblumaasiyiintan oo aan magacyadooda ku helnay Naji iyo Fatxi ayaa la sheegay in markii la af-duubanayay ay Suuqa Bakaaraha u aadeen in ay wax ka soo iibsadaan, isla markaana ay soo indha-indheeyaan.
Lama garanayo ilaa iyo haatan cid af-duubatay iyo sabab loo af-duubtay Diblumaasiyiintan, hayeeshee waa Diblumaasiyiintii ugu horeysay oo lagu af-duubto magaalada Muqdisho.
Howl-Wadeennada Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu jiro Af-duubka Diblumaasiyiinta, iyagoo ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan qaabka loo af-duubtay iyo cidda af-duubatay intaba.
Dowladda Liibiya ayaa waxay ka mid ah Dowladaha aan Safaaradahooda ka qaadan Dalka Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha Af-duubka Diblumaasiyiintan kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia