Sabti, January 05, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in uu xalay bartamaha magaaladaas ka dhacay qarax loo adeegsaday Bambo gacmeed, kaasi oo lagu weeraray Ciidamo boolis ah oo roondo sameynayay.
Qaraxa oo ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo, gaar ahaan nawaaxiga Shirkadda Isgaarsiinta Telcom ayaa wuxuu geystay dhimashada ruux rayid ah oo ku sugnaa meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay, halka ay jiraan warar sheegaya in uu dhaawac soo gaaray Ciidamadii qaraxa loola dan lahaa oo saarnaa Gaari ay Ciidamada Booliska Baydhabo leeyihiin.
Xiliga Ciidamada qaraxaas lala beegsanayay ayaa waxay ku howlanayeen howlgallo ay ammaanka ku sugayeen kadib markii habeenno sii horeeyay ay gudaha magaalada ka dhaceen weerarro lagu qaaday guriga Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay Jen. Aadan Xaashi Gaabow, sidoo kalena ka sii hor ay gudaha magalada dilal ka dhaceen.
Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay weli fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ku yaala Xafiisyada Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, waxaana xusid mudan in ay ku soo kordhayaan qaraxyada iyo dilalka loo geysnayo dadka u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka soo cusboonaanayay falal nabadgelyo darro ah, iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia