Khamiis, January 03, 2008(HOL): Seddex ruux ayaa geeriyootay shan ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaaray kadib markii uu dagaal ku dhexmaray gudaha iyo duleedka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan ayaa cidda uu u dhaxeeyo waxaa ka soo baxaya warar kala duwan waxayna wararka qaarkood sheegayaan in uu u dhaxeeyo Maleeshiyooyin ka soo wada jeeda Deegaanka, halka warar kalena ay sheegayaan inuu dhaxeeyo Wadaado is-abaabulay iyo maleeshiyooyin taageersan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo isku heysta gacanta ku heynta Degmada Cadaado.
Dagaalka dhexmaray labada maleeshiyo oo dhacay saaka subaxnimadii ayaa wuxuu hakad geliyay dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsigii degmada ka jiray, inkastoo markii ay dambe ay labada maleeshiyo iskala baxeen Degmada, isla markaana ay isla aadeen duleedyada Degmada.
Dadka ku dhaawacmay Dagaalkan ayaa la sheegay in loo qaaday dhinaca Isbitaallka Degmada, halkaasi oo haatan looga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii maleeshiyooyin deegaanka ka soo wada jeeda ay ku dagaalameen gacan ku heynta Degmada Cadaado, inkastoo markii dambe lagu guuleystay in la xaliyo khilaafkii labada dhinac dhexmaray ee gacan ka hadalka keenay.
Odayaal iyo waxgarad uu ka mid yahay Imaam Shiikh Cumar Macallin oo dadaal ugu jira sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, isla markaana waxyaabihii la isku qabtay looga hadli lahaa ayaa wuxuu ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamay in ay dagaalka joojiyaan, ayna ogolaadaan in laga hadlo waxyaabihii keenay in ay dagaalamaan.
Ugu dambeyntiina, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in xaaladda Degmada ay haatan degan tahay, isla markaana uusan jirin wax dagaal ah oo u dhaxeeya dhinacyadii saaka dagaalamay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia