Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo xalay ka dhacay Degmada Afgooye

Khamiis, January 03, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay Qarax aad u xogganaa oo sababay dhimashada 3 ruux oo uu ku jiray Sarkaal u shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee Degmadaas, halka ay dhaawacmeen 6 ruux oo kale.

Qaraxan oo aan la ogeyn ilaa iyo haatan in uu ahaa mid ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu aasay halka uu qarxay iyo in uu ka dhashay waxyaabo qarxa oo la soo tuuray ayaa wuxuu ahaa mid aad u xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha Degmada Afgooye.

Sida uu noo xaqiijiyay goob-jooge ku sugan Degmada Afgooye oo aan la xiriirnay Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Dhagax-tuur ee Degmada Af-gooye, gaar ahaan agagaarka Dukaan ay wax ka iibsadaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Degmadaas.

Degmada Af-gooye ayaa waxaa horay uga dhacay ilaa 9 qarax, kuwaasi oo qaarkood lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Degmada, halka kuwo kalena lagu weeraray mas’uuliyiinta maamulka Degmada Af-gooye, kuwaasi oo qaarkood ay u geeriyoodeen qaraxyadii lagu weeraray.

Ugu dambeyntiina, Degmada Afgooye oo muhiim u ah isu socodka Gobollada Dalka ayaa maamulka ka taliya wuxuu ilaa iyo haatan ku guuleysan la’ yahay in uu maareeyo falal nabadgelyo darro ah oo in muddo ah ka jiray, kuwaasi oo ay ka mid yihiin qaraxyada ka dhaca ee uu ugu dambeeyay midkii xalay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia