Khamiis, January 03, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu si kulul u weeraray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo ku tilmaamay nin aanan aqoon u lahayn howlaha Baarlamaanka iyo Dimoqraadiyadda.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka sida CV-giisa ku qoran waa Macallin Dugsi Qur’aan wax aqoon ahna uma lahayn Howlaha Baarlamaanka iyo Dimoqraadiyadda” ayuu yiri Xildhibaan Kulalihi oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka ayaa hadalkan sii daayay kadib markii maalintii shalay ahayd uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku amray in uu ka baxo Hoolka shirarka Baarlamaanka iyadoo sababtuna ay ahayd sida guddoonka Baarlamaanka uu sheegay in uu ku kacay falal anshax xumo ah oo ka baxsan Xeer anshaxeedka u degsan Mudanayaasha Baarlamaanka, iyadoo ay xusid mudan tahay in amar lagu siiyay in aanu dib ugu soo noqon karin Shirarka Baarlamaanka ilaa iyo inta uu Guddiga Anshaxa Baarlamaanka go’aan ka soo saarayo waxyaabaha uu sameeyay.
Xildhibaan Maxamuud Axmed Kulalihi ayaa wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanno si kulul uga hadlay sida aanu Baarlamaanka Soomaaliya uga hadleynin qodobkii Awood qeybsiga oo lagu tuntay, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa in uu sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya u dalacsiiyay Janaraal, xili uu ku sime ku ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, wuxuuna ku dooday in aanu awood u lahayn in uu dalacsiintaas sameeyo.
Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay qabaan dooddan ah in lagu tuntay qodobka Awood-qeybsiga oo ah mid ku xusan Axdi Qarameedka u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna Xildhibaannadan ku doodayaan in ay beelo si gaar ah qaateen xilalkii ugu fiicnaa Dowladda Federaalka sida Wasiirradda awoodda leh, Saraakiishii Ciidamada, Agaasimayaashii iyo weliba Safiirradii dowladda u fadhiyay dalalka dibadda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo ay taagan tahay doodda ku saabsan in lagu tugtay qodobkaas ayaa hadana waxaa saacadaha socda la filayaa in uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu soo dhiso Xukuumad ka kooban 18 Wasiir iyo 5 Wasiir ku xigeen, taasi oo aan la ogeyn sida ay ugu heshiin doonaan beelo ay deeqi waayeen Xukuumadihii tiro badanta ahaa ee soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia