Dagaal culus oo Bariga Beledweyne ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Kooxo ka soo horjeeda

Talaado, January 29, 2008(HOL): Dagaal Culus oo saacado qaatay ayaa ku dhax-maray Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Deegaanka Xujuub oo  dhanka Bari ka xiga  Magaalada Beleweyne, kadib markii ay Ciidamada Maamulku weerar culus ku qaadeen Kooxaha ka soo horjeeda oo fariisin cusub ka sameystay halka Dagaalku ka dhacay.
 
Dhaawaca Sadax Askari oo  ka tirsan Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Dagaalka ku fiday dhul uusan markii hore gaarsiisneyn iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Maamulku u muuqaan kuwo sii xoogeysanaya marka la eego qaabka dagaalku u dhacay.
 
Ilo Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in saacado kadib ay dagaalka ku soo biireen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Itoobiya oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Deegaanka Kala-beyr, waxaana wararku intaa ku darayaan in qaar ka mid ah Ciiddamada Itoobiya ay fariisin ka sameyteen Deegaanka Jante-kuundihsho.
 
Ilaa hadda lama oga khaasaraha soo gaaray dhinaca ka soo horjeeda Ciidamadda Maamulka oo wararku sheegayaan in ay ka dul-dagaalamayaan dhulka Buura-leyda ah ee ku teedsan halka dagaalku ka dhacay.
 
Dagaalka maanta ayaa u muuqday mid daba jooga Nin loo soo xiray dilkii Maalintii shalay ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne oo wararku sheegayaan in laga soo qabtay Aga-gaarka halka maanta dagaalku ka dhacay kadib markii la helay warar tilmaamaya in ay joogaan goobtaas kooxo ka tirsan Max'kamadihii islaamiga.
 
Wararkii ugu danbeeyayna waxaa ay sheegayaan in hadda dagaalku joog-saday kadib markii Kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Maamulka lagu jabiyay Dagaalka, Walow haddana wararka qaar ay  sheegayaan in Kooxihii ka soo horjeeda Ciidamadda Maamulka  isaga baxeen dagaalka markii ay maqleen warka ku saabsan in  ay Dagaalka ku soo biireen Ciidamadda Itoobiya.
 
Dagaalka maanta ayaa ku soo beegmay xili maalintii shalay ahayd lagu dilay Gudaha Magaladda Beledweyne Taliyihii Nabad-sugidda Gobalka Hiiraan Max'ed Cali Gaabow kaasi oo uu Nin Bastoolad ku hubeysan ku toogtay Ilinka hore ee Hotel uu ka shaahayay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia