
Talaado, January 29, 2008(HOL): Inkasta oo uu Jawigu aad u xumaa baraf badan oo da’ay ogeed, hadan taasi may joojin boqalaal Soomaali ah oo ka soo qaybgalay Munaasibad balaadhan oo Reer Minnesota ku soo dhaweenayeen Isla markaana warbixin kaga dhageysteen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Islamarkana ahaa Gudoomiyihii Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ay waliba wahelinayeen Madaxweynihii Hore ee Puntland Mudane Maxamed Cadi Xaashi iyo Agaasimaha Xafiiska Madaxweyne Yusuf Mudane Abdirisaaq Durqun.
Socdaalka Siyaasiyiinta Soomaalidu ku yimaadaan Minnesota waa mid joogto ah maadaama Ay Gobalkan ku noolyihiin in kabadan 80kun oo Soomaali ah islamarkaana ku taageera Misaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya Aqoon iyo Dhaqaale aad u culus.Balse Safarka Cali Mahdi waxa uu uga duwanyahay kuwii ka horeeyey waa isaga oo Noqonaya Masuulkii ugu Horeeyay ee Xil Madaxweyne ka qabta Dalka Soomaaliya oo booqashu ku yimaada Gobalka ay Soomaalidu Buuxdhaafisay ee Minnesota, halka Maxamed Cabdi Xaashi isna uu Noqonayo masuul qabta Xilka ugu Sarreeya ee Maamul Gobaleedka Puntland oo isna booqasho ku yimaada Gobalkan.
Munaasibadan oo ay soo diyaariyeen qaarka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalkan waxa si wada jir ah uga soo wada qeyb galay dhamaanba qeybaha Bulshada ee kala gadisan sida Aqoonyahano, Siyaasiin, indheergarad,Culumadiin Arday heer Jaamacadeed ah oo isugu jiray Rag, Dumar iyo waliba Qaar ka mid ah Faaniinta Kudhaqan Magaalada Rochester ee Gobalka Minnesota.
Hadaba iyada oo ay badnaayeen shaqsiyaadkii hadalada ka soo jeediyay Kulankan ayaa waxa ugu horentii aayado Quraan ah iyo wacdi isdaba socda ku furay Sheekh Axmed Dhagadheere oo isagu faray ka soo qaybgalayaashii in ay Xoojiyaan Cibaadada iyo Ducada isla markaana kula dardaarmay in la is cafiyo Dariiq cusubna loo furo daganaashaha iyo nabada Soomaaliya, kadib waxa Munaasibada Furay Cumar Jamal oo ah madaxa Somali Justices Advocacy oo isaguna guud maray hadafka iyo mawduuca Xaflada isaga oo markaa ku soo dhaweeyay Mudane Cumar Sheekh Cali oo ka mid ahaa wafdigii la socday Madaxweyne Cali Mahdi oo markaas ka la yimi Magaalada Rochester oo ah halka uu ku soo dagay mudane Cali Mahdi. Cumar Sheekh oo isagu hadalkiisa ku soo koobay mahad celin uu u jeediyay Jaaliyada ku nool magaalooyin ka Mataanaha ah ee Minneapolis iyo St.Paul oo ku qeexay in ay yihiin shaqsiyaad hadh iyo habeen ba u taagan xal u helida Dalkoodii Hooyo sidoo kalena mahad balaadhan ayuu Cumar u gudbiyay intii suurta galisay Shirkan. Intaa kadib waxa hadalka qaadatay Drs.Luul Xasan oo ku hadashay magaca qaban qaabiyayaasha Munaasiban iyada oo u mahadcelisay Masuuliyiinta aqbashay Casuumadan iyo jaaliyadda goobta isugu timid, islamakiiba waxa Si diirran loo soo dhaweeyay Abwaanad Xaawo ayeeyo oo halkaa ka aqriday tixo Buraanbur ah oo isugu Jiray Duco iyo Dardaaaran ku jeeda Dhamaanba Hogaamiyayaasha Siyaasada ee Soomaaliya.
Qudbadihii Madaxda:
Waxa ugu horeeriintiiba hadalka qaatay Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha DFKS mudane Cabdirisaaq Durqun oo isagu guud maray wax qabadkii Dowlada Soomaaliya isaga oo sheegay in ay guulaha lataaban karo ee dowladdu qabatay ay ka midyihiin:Guuritaankii ay dowladu u soo guurtay Soomaaliya Kadib markii lagu Soo dishay Kenya.
Kala qeybsanaatii Xukuumada kadin in lagu guulaysto isu keenida labada Gole oo la isugu keenay Baydhabo, u guuridii Caasimada si wada jir ah dhisida Ciidamada Booliska iyo Xoogga dalka, hubka dhigis iyo waliba Dhisida Xukuumad tayo leh tiradeeduna koobadan tahay. Guulo sheegashada uu cabdirisaaq qodabeeyay ka dib isaga oo hadalkisa sii wata waxa uu yiri “Dhamaan Howlahaas oo idil kuma aysan imaan si fudud iyo hadiyad toona ee waxanu u soo marnay Dhib iyo rafaad markaa waa in dulqaad la muujiyaa hadii wax qaldamaan” Mudane Durqun oo hadaladiisa dib ugu jaleecay Dagaaladii dhexmaray Dawlada KMG ah iyo Maxakiimta Islaamiga ayuu ka soo qeyb galayaashii u sheegay in ay tijaabisay Dowladu sikasta oo wadahadal wax loogu xalinkaro balse dhinaca kale ka suurtoobi wayday.
Puntland iyo Maxamed Cabdi Xaashi:
Inkasta oo Mudane Xaashi uu ka hadlay xaaladaha cakiran ee Soomaliya guud ahaan isla markaana ku cel-celiyay muhiimada ay leedahay in la taagero Dowlad jirta ee uu garwadeenka ka yahay Mudane Nuurcade isaga oo qeexay in haatan la joogu sidii loo hiigsan lahaa mustaqbal u fiican shacbiga tabaaleysan ee ku daranyeysan dalka iyo dibadaba .
Balse waxa uu Maxamed Cabdi Xaashi ku dheeraaday xaalada cakiran ee ku soo biirtay Maamul Gobaleedkii uu ka talinjiray tan iyo intii ay Maamulka Somaliland bishii October 15,2007 la wareegeen Magaalaada Laascaanood ee xurunta Gobalka Sool iyo waliba amni xumada ku soo korortay magaalooyinka waaweyn ee Puntland.Mudane Xaashi oo dhaliilay xaaladda deegaankaas sida ay ku sugantahay xilligan ayaa hadana soo jeediyay talooyin isaga oo hadakliisa sii watana waxa uu yiri “Maamulku waa in uu dadka la tashadaa oo uu saxaa wixii dhaliil shacabku u so jeediyo shacabkuna waa in aanay xoog iyo qas abuurine waa in ay nabad gelyada xoojiyaan” Mudane Xaashi ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay “waa in Midnimo la muujiyaa Puntland dadkeedu waa mid waxayna leeyihiin cadow ka horjeeda danahooda ee shacbiga iyo mamulku waa in ay gacmaha is qabsadaan”waa sida uu hadalka u dhigaye .
Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo run ahaantii ahaa masuulka ay dadku aad ka u xiiseynayeen in ay maqalaan warbixintiisa ayaa markii uu la wareegay Cod baahiyaha waxa uu jeediyay qudbad aad u dheer oo taabanaysay dhinacyo badan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay war bixin ku aadan Shirkii Shaashada Siyaasada ku soo celiyay ee bishii Julay 17 keedii 2007 ka furmay Caasimada Soomaaliya shirkaas oo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Ku dhawaaqay isla markaana uu Gudoomiye u magacaabay Mudane Cali Mahdi.inkasta oo Shirka loo baxshay Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ee Soomaaliya hadana dad badani runtii u arkayeen in aanay ka muuqan shaqsiyaad la tuhunsanaa in ay nabadu iyaga ku xirantahay, wallow lagu casuumay cidkasta oo ay Nabadu ku xirnayd ama Furdaamin karaysay.
Cali Mahdi Iyo Shirkii Dib U Heshiisiita
Mudane Cali ayaa ka soo qeyb galayaashii u sharxay qodabadii ka soo baxay kuwii ugu muhiimsanaa oo ay ka midka ahaayeen in in la iska cafiyo wixii hanti aan muuqan la kala dhacay iyo magta wixii dhintay balse la isku soo cesho wixii hanti ah ee muuqda Sida Dhulka,Guryaha, Beeraha , Baabuur iyo wixii la mid ah. Cali Mahdi oo sharaxaya habkii taas lagu gaaray ayaa yiri”Qabiilba Qabiil kii uu wax ka tirsanayay ayuu si toos ah u dhaliilay iyada oo qabiilkii wax laga tirsaday na si aan leex leexad lahayen ay ugu hoydeen cidii wax ka tir satay sidaas ayaa lagu heshiiyay”. Cali Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa daboolka ka qaaday in ay dib u heshiisiinta sii wadayaan ilaa heer Gobal,Degmo Tuulo ilaa ay gaaraan dhulka miyiga ah ee Soomaaliya oo ay nabadda geed hoostiis geeyaan.durbana ay faafiyeen dhamaan qodabadii la isku raacay oo ku qoran sadex luuqadood.
Caalam ka Iyo Soomaalida
Gudoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta oo ka hadlayay sida Bulshada caalamku Soomaalida u aragto ayaa yiri ”Dunidu waxay inoo aragtaa inaanay Soomalidu waxba qabsan karin kaligeed sidaa daradeed waa in aanu muujinaa in aynu nahay walaalo qabiil u kala been sheegay oo aynu meel uga wada jeesanaa Sidaynu u xalin lahayn Dhibaatada ina kala dhextaal sida hada wax ku socdaan Dunidna halis baynu kunahay inaguna Halis baynu isku nahay ayuu Cali Mahdi yiri. Mudane Cali ayaa ku soo hal qabsaday Xasuuqii Ruwanda hadalkisana waxa uu u dhigay”Ruwanda oo iska dilay hal milyan 90 bari ayaa heshiiyay maxaa inaga oo dhib intaa u dhow ina dhexmarin ina kala haya”
Dowladan iyo kuwii ka horeeyay
Cali Mahdi ayaa Tusaale ahaan u soo qaatay in Dowladii sii u shaqayen wayday sabab too ah waxa uu ka yimid Xamar tii Abdiqaasina u meel mari weyday Galgaduud buu ka yimid daraadeed Cabdilaahina aanu ku eedeyno Gaalkacayo ayuu ka yimi xagee baynu u soconaa intee in leeg baynu dowlad la'aan noqon karnaa ayuu ku celceliyay Cali Mahdi. ”hadii dowladii Cali Fursad lasiinlahaa ama tii Abdiqaasim Fursad Lasiinlahaa halkan meel ka roon baynu joogilaheyn DFKS waa mid caalamku ugu talagalay in lagu gaaro Doorasho Xor ah iyo xisbiyo ee aynu la shaqeyno si aan fursad kale loo luminin oo dalka nabad iyo kala danbeyn ha u soo celisee hala daayo” ayuu Cali yiri
Ethiopia
Itoopiya yaa keenay ayuu Cali markale su'aalay ka soo qeyb galayaashii, Madaxweyne Cali Mahdi ayaa ku Jawaabay “Dowladda makii la hujuumay ee Baydhabo lagu kuusay ee waliba looga daba yimid”.” Waa dowlad Dunidu taageerto in ay is difaacdo ayey xaq u leedahay”ayuu Cali Mahdi yiri.Isaga oo hadalkiisii ku gabagabeeyay Rajo galin ah hadii Dadku nabad wada raadsho oo qaraxa la joojiyo dunida ayaa wadanka wax kashanaysa waa wadan qani ah Faqrigaa bixi doona Itoopiyana way bixi doontaa Ciidan kalena inoo iman maayo laakiin inaga ayey ina gu xirantahay hadii nabadu soo dag dagto wax walbaa waa hagaagayaan.ayuu Mudane Cali mahdi hadalkiisii ku gunaanuday.
Waxyaabihii Xiisaha Mudnaa
Waxa xusid mudan in ay goobta shirku ka dhacay ay isugu yimaadeen Qaarbadan oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya Xafiis siyaasadeedyada labada xisbi ee Jamuuriga iyo Dimuqraadiga oo ay ugu horeyaan masuuliyiin ka kala socday Xafiiska Ololaha Doorashada ee Obama iyo Hillary Clinton. Oo dhamaantood helay fursad ay ku hadlaan si ay usoo bandhigaan qorshahooda siyaasadeed iyo waxay ku muteysteen in codka doorashada la siiyo.
Goobtaas waxa ka muuqday wiil Soomaaliyeed magaciisa na la yiraahdo Maxamuud Wardheere oo ka socday xafiiska Senator Coleman isagaoo halkaasi hadal uu jeediyey ku sheegay in wixii ka dan beeyay dhacdadii black hawk down oo ay ku dhinteen 18 askari ee Mareykanka ahi markaad soo hadal qaado Soomaaliya Sawir kaasi uu hor imaanayey dadka Mareykanka ah, balse uu ku faanay Mudane Maxamuud Wardheere in Senator kiisu ku guulays tay in uu Muuqaalkaas ka hor qaado Shacabka iyo Siyaasada Ameerikaba Sidaa daraaadeedna haatan caalamku u soo jeedo xaalada dalka Soomaaliya.
Waxaase xiiso laheyd markii uu fanaanka ku caanbaxay Majaajilada ee lagu magacaabo Al Franklin oo haatan u sharraxan inuu kursiga kula tartamo Senator Coleman, kaasi oo mar uu la kaftamey Wardheere kuna yiri Saaxiibkaa u sheeg markaan ka guuleysto xilka ha igu wareejiyo oo yaanu hub iyo qoryo soo qaadan sida Soomaalida. Taasna dad badan ayaa waxay u fasirteen inuu ka wado inaan xiligan xoog aan kursi lagu heli karin.
Waxa kale oo lama ilaawaan ahayd Fanaantii Soomaaliyeed ee halkaasi ku soo bandhigay riwaayad xigmadeedu aheyd 3 wiil oo walaalo ah isla markaana si weyn isu maandhaafsan oo shaki iyo colaadna kala qaba balse aakhirka gacmaha is qabsanaya .Riwaaydaana waxaa jilayay Bashiir Mahamed (Nagaara) Abwaan Muxiyadiin Iyo fannaanka lagu magacaabo Tooxow.







Daawo Sawirrada kale ee xafladda
Abdifatah Mahamed Abdinur
[email protected]
Minnesota, Minneapolis