Dagaal khasaare geystay oo shalay iyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, January 29, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa shalay iyo xalay waxaa ka dhacay dagaallo khasaare geystay oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Shalay gelinkii dambe ayaa dagaal xooggan waxaa uu ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha, kaasi oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax iyo kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday xili ay doonayeen in ay howlgallo ka sameeyaan Deegaanka Suuqa Xoolaha.

Dagaalkaas oo saacado badan socday ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan nawaaxiga Warshaddii Dhiigga iyo weliba Daarihii Mataanaha ahaa ee Geeda-qorow.

Dad ka badan 10 ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo meydadkooda la geeyay Masjidka Al-Hidaaya ee degmada Huriwaa, halka ay jiraan dad 30 ruux ka badan oo iyana dagaalka ku dhaawacmay, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Deegaanka Suuqa Xoolahana waxay sheegayaan in saaka gudaha xaafadaha Suuqa Xoolaha laga helay ilaa shan meyd ah oo uu ku jiray Askari Itoobiyaan ah, kuwaasi oo dhintay intii uu socday dagaalkii shalay.

Goob-joogayaal ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa waxay sheegayaan in dadka dhintay ay ku dhaceen Madaafiic ay Ciidamada Itoobiyaanka ku garaaceen xaafadahooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in shalay ay madaafiic ka soo dhaceysay Xeradii Maslax iyo Warshaddii Baastada oo labadaba fariisin u ah Ciidamada Itoobiya.

Dhanka kalena, Dagaal kale oo qadar saacad ah socday ayaa xalay wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-wadaag iyo Xaafadda Geed Jaceyl ee Wadada Wadnaha, wuxuuna dagaalkaas dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Dagaalkan ayaa intii uu socday waxaa uu khasaare ka soo gaaray Idaacadda Shabeelle oo qeybteeda Keydka Cajaladaha uu Madfac ku dhacay, inkastoo aysan jirin dhibaato kale oo soo gaartay shaqaalaha Idaacadda oo marka uu dagaalka dhacayay shaqeynayay.

Agaasimaha Idaacadda Shabeelle Mukhtaar Maxamed Hiraabe ayaa HOL u sheegay in khasaaraha soo gaaray uu ku kooban yahay kaliya qeybta keydka Cajaladaha, isagoo intaas ku sii daray in aysan ahayn markii ugu horeysay oo uu khasaare soo gaaro qeybta Keydka Cajaladaha oo hadda ka hor sida uu yiri mar ay rasaas ku dhacday ay ku baaba’een Sheekooyin muhiim ah oo Idaacadda u keydsanaa.

Marka laga soo tago khasaaraha soo gaaray Idaacadda Shabeelle ma jirin cid kale oo wax ku noqotay dagaalkii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo goobaha lagu dagaalamayay ay  mar hore ka qaxeen dadkii deganaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia