Jen. Maxamed Nuur Galaal oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku fashilmeen howlihii Soomaaliya loo keenay

Jen. Maxamed Nuur Galaal

Jimco, January 25, 2008(HOL): Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed ayaa muddo sanad ah kadib waxaa uu ka hadlay Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Shisheeye ee jooga, isagoo sheegay in Ciidamada Ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo aan waxba qaban karin.

Jen. Galaal waxaa uu ka hadlay Ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in mudadii sanadka ahayd ee ay joogeen ay ku fashilmeen in ay qabteen wixii loo soo diray oo uu ku sheegay seddex ujeeddo oo kala ah in ay sugaan ammaanka madaxda dowladda, in ay xasiliyaan dalka iyo in ay soo qabtaan Dad uu Mareykanka Argagixiso ku sheegay oo uu doon-doonayay.

“Seddexdaba wax ay ka qabteen ma jiraan waayo madaxdii dowladda ammaankooda waa sugi waayeen oo dharaar cad ayaa hortooda lagu weeraray madaxweynihii, Ra’iisal Wasaarihiina seddex ilaa afar jeer ayaa lagu qaaday weerarro la doonayay in lagu dilo, dalka ma aysan xasilin, mana jirto cid ay soo qabteen oo argagixiso lagu sheegi karo”ayuu yiri Jen. Galaal oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Jen. Galaal oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax ay Ciidamadaas qabteen marka laga reebo howlo gargaar bani’aadannimo ah oo ay u qabteen Dadka Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku amaanan yihiin.

Intaas kadib  haddii ay wax qaban waayeen  Ciidamada shisheeye Jen. Maxamed Nuur Galaal waxaa uu soo bandhigay hindise kale oo ku saabsan cidda sugi karta Ammaanka Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kan Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay howshaas qaban karaan Ciidamadii hore ee Soomaaliya, “Marka aan leeyahay Ciidamadii hore ee Soomaaliya kama hadlayo wiilasha dhalinyarada ah ee dadka dhaca ee qaab beeleedka lagu keenay ee waxaan u jeedaa Ciidamadii saxda ahaa ee Soomaaliyeed”ayuuna yiri Jen.Galaal.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Jen. Maxamed Nuur Galaal oo lagu tiriyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee Khubarrada ah waxaa uu had iyo jeeraale ka talo-bixiyaa sida xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Siyaasadda iyo Mileteriga, hayeeshee waxaad mooddaa in aan la arkeynin waxyaabaha uu Jananka iftiiminayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia