Kooxo hubeysan oo xalay Dad ku dilay Xaafadda Isha ee Magaalada Baydhabo

Jimco, January 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa magaaladaas lagu dilay labo nin, halka labo ruux oo kalena dhaawac loo geystay.

Labada nin ee la dilay ayaa waxay ku sugnaayeen Baar ku yaala Xaafadda Isha Baydhabo ee Magaalada Baydhabo, waxayna labada nin kala ahaayeen ninkii Baarka lahaa iyo nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daqiiqado kadib markii uu dilkaas dhacay ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi soo qaaday labadii nin ee meydka ahaa, iyagoo kadibna howlgal ka sameeyay halkii uu dilka ka dhacay.

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Bay Ibraahim Macallin Kutub ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan kooxihii ka dambeeyay dilka labadaas nin, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan.

Magaalada Baydhabo oo haatan fariisin KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkan ku soo badanaya falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal iyo qaraxyo, waxaana dhawaan lagu dilay Suuqa weyn ee Baydhabo Askari Itoobiyaan ah oo doonayay in uu Suuqaas wax ka iibsado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia