Jimco, January 25, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo u warmayay qaar ka mid ah qalabka Warbaahinta Gudaha ayaa ku tilmaamay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan mid qorsheysnaa oo laga soo abaabulay Gobalka Gal-gaduud.
Yuusuf Dabageed waxaa uu sheegay in Kooxaha weerarka soo qaaday ahaayeen kuwa ka soo jeeda mid ka mid ah Beelaha Dega Gobalka Gal-gaduud lakiin ku gabanayay sida uu hadalka u dhigay Magacyo gaar ah oo ay sameysteen Sida ayuu yiri ""Al-shabaab iyo Muqaawimo waxaana uu intaa raaciyay in lagu jabiyaya Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Kala-beyr.
""Gobalka Hiiraan ma'aha wax ku cusub in lagu weeraro Magacyo gaar ah oo la sameytay waayo 1994 ayeey kuwa hadda soo weeraray iyaga oo sheeganaya Magaca SNA weerar ku soo qaadeen Gobalka Hiiraan ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo intaa sii daba dhigay in uu aamin sanaa in 17 sano ee la soo dhaafay beeluhu ka ilbaxeen in laysku duulo.
Mar la weydiiyay sababta uu sidaa u leeyahay waxaa uu yiri Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud Ciidamada Itoobiyaaku waa ay daganaayeen waligoodna lama weerarin, sidaa daraadeed maxaa keenaya in la soo bartilmaameedsado Gobalka Hiiraan ayuu ku jawaabay Gudoomiyaha oo sheegay in arintaa uu u arko mid micno kale sameyneysa.
Inkastoo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan uu sidaa sheegay ayaa haddana waxaa la oran karaa Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan Maalintaa shalay waxaa uu ahaa mid ay ku lug lahaayeen Kooxihii ka tirsanaa Maxkamadihii islaamiga kuwaasoo Maalmihii aynu soo dhaafnay dhaq-dhaqaaq ka waday qeybo ka mid ah Gobalada dhexe.
Dhanka kale wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay ayaa sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday kaga dhinteen dagaalka 4 oo ay aaseen dadka deegaanka Kala-beyr, lakiin ilaa hadda majiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha soo gaaray dhinaca Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ee dagaalka ka qeyb-qaatay.
Gudoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Cabdi Buriki ayaa ku eedeeyay Ciidamadda Itoobiya in ay Qoriga BMka ah ku garaaceen dhulka Buuraleyda ah ee ku teedsan Deegaanka Kala-beyr oo sida uu sheegay laga yaabo in dad rayid ah qasaare ka soo gaareen.
Sikastaba xaaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda degan waxaa dib u bilaawday isku socdka gadiidkii Gobaladda dhexe oo maalintii shalay uu hakad ku yimid, waxaana qaar ka mid ah gadiidkaa maata ay ka anba baxeen Buurta Jante-guudisho oo maalintii Ciidamada Itoobiyaaku ku xayireen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Kala-beyr laga soo abaabulay Gobolka Galgaduud
More News
- Ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday fariisin ay Ciidamda Dowladda Federaalka ku leeyihiin Deegaanka Balli-Doogle
- Jen. Maxamed Nuur Galaal oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku fashilmeen howlihii Soomaaliya loo keenay
- Kooxo hubeysan oo xalay Dad ku dilay Xaafadda Isha ee Magaalada Baydhabo
- Dad kale oo Soomaali ah oo ku dhintay Xeebaha Yemen
- MAXAMED XASAN XAAD: “Waxaan aaminsanahay in Dagaalka mudada sanadka ka badan Muqdisho ka socday ee dhibaatada badan geystay uu mas’uul ka yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf”
- Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay Sicir bararka ka jira Soomaaliya iyo sida loo maareyn karo
- Xiisad Colaadeed oo dib uga soo cusboonaatay Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe