Khamiis, January 24, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu eedeyn u jeediyay Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo socdaal xaqiiqo raadin ah ku tegay magaalooyin ku yaala Dalka Soomaaliya oo ay magaalada Muqdisho-na ka mid tahay.
Mas’uul u hadlay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Xasan ayaa sheegay in ay wax laga xumaado tahay in wafdigaas oo xaqiiqo raadin ahaa uu la kumo sida uu u yiri hal dhinac oo ka mid ah dhinacyada isku haya Soomaaliya.
“Wafdigaas waxaan ku eedeyneynaa in uu qaatay warbixin hal dhinac ah oo uusan tegin goobihii ay dagaallada ka dhaceen, goobihii ay ka barakaceen dadka Muqdisho iyo burburka hantiyeed ee ka dhashay dagaalladaas”ayuu yiri Maxamed Aadan Xasan oo intaas ku sii daray in aysan wafdigaas sidoo kale booqanin meelihii ay u baro-kaceen dadka Muqdisho.
Maxamed Aadan Xasan waxaa uu sheegay in ay Beesha Caalamka iska indho-tireyso xalka Mushkiladda Soomaaliya oo ah Dib-u-heshiisiin, wuxuuna taasi marag muujin ugu soo qaaday in hal dhinac kaliya lala hadlayo oo warbixin laga qaadanayo.
“Wafdigii ka socday Qaramada Midoobay iskuma taxalujin in ay arkaan goobihii ay Ciidamada Itoobiya ka barakiciyeen Dadka Muqdisho iyo khasaaraha hantiyeed ee ay geysteen”ayuu yiri Maxamed Aadan Xasan oo farta ku farta ku fiiqay in ay arrintaas aad uga xun yihiin.
Mas’uulkan u hadlay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inaysan dooneynin Dib-u-heshiisiin ka dhacda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi daliil u tahay in afhayeenno u hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay sheegeen in aysan Dowladda wada hadal la geleynin dhinacyada dagaalka kala soo horjeeda, inkastoo uu sheegay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Beesha Caalamka ay doonayaan in la wada hadlo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ugu dambeyntiina, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ogolaato in la arko halka ay ku xiran yihiin xubno ka tirsanaa Golahaas, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Afhayeennadii Dhaqanka iyo Siyaasadda oo kala ah Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Dheere, iyadoo sidoo kalena uu Golaha ku baaqay in la sii daayo Wariyayaal u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia