Dagaal culus oo deegaanka Kala-beyr ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday

Khamiis, January 24, 2008(HOL): Ciidamada Dowlada Federaalka oo ay is-kaashanayaan kuwa Itoobiya ayaa Dagaal culus waxaa uu ku dhax-maray Deegaanka Kala-beyr oo qiysaatii 17km dhinaca W/bari kaga beegan Magaalada Beledweyne.
 
Ciidamada Itoobiya oo intooda badan ka tagan Deegaanka Jante-kuundisho ayaa Dagaalka ku biiray kadib markii kooxo ka soo jorjeeda ay saakay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Hiiraan oo fariisin ku lahaa Deegaanka Kala-beyr.
 
Madaafiic aad u culus iyo Qoryaha Daran-dooriga u dhaca ayaa mar kaliya laga wada maqlay Daafaha Magaalada Beledweyne waxaana sidoo kale ku soo dhacay Deegaanka Kala-beyr Maafiicda Qoriga hoobiyaha ah oo ay isticmaalayaan dhinaca ka soo jorjeeda Ciidamada Itoobiya.
 
Waxaa aad u adag in la helo xog ku saabsan khasaaraha ka dhashay Dagaalka laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in la arkay dhaawaca Ciidamada Itoobiya oo loo soo qaadayo dhinaca Deegaanka Jante-kuundisho, inkastoo haddana warkaasi uusan aheyn mid lagu kalsoonaan karo.
 
Kooxaha ka soo jorjeeda Ciidamada Itoobiya ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan Baro-kootarool oo markii hore fariisin u ahaa Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan taasoo keentay in Ciidamada Itoobiya difaac adag dhigaan Daagaanka Kala-beyr oo muhiim u ah isku socda Goballada Dhexe.
 
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku saabsan dagaalka ka dhacay Deegaanka Kala-beyr, waxaana hadda muuqneysa in Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Deegaanka Jante-kuundisho isku sii urursanayaan dhinaca Kala-beyrka oo cabsi laga qabo in mar kale dagaal ka dhaco.
 
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federaalka oo ay kooxo hubeysani ka wadeen qeybo ka mid ah Goballada Dhexe, waxaana dagaalka Maanta dhacay uu muujiyaan sida Kooxaha ku kacsan Dowlada Federaalka ay u sii xogeynayaan, iyadoo dhinaca kalena ay xusid mudan tahay in dagaalka maanta dhacay uu sababay in ay joogsadaan gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Goballada dhexe sababo dhinaca Nabad-galyada ah awgood. 
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia