Shaqaaqo ay dad ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo

Khamiis, January 24, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in uu maanta duhurradii magaaladaas ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay Maleeshiyooyin doonayay in ay jid-gooyo dhigtaan Wadada tagta Dekedda Kismaayo iyo Ciidamo ilaalo ka haya Dekeddaas.

Iska hor-imaadkaas oo qadar qadiiqado ah socday ayaa waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo mid uu ahaa nin Nabaddoon ah oo Magaalada Kismaayo si weyn looga yaqaano iyo nin kale oo ka tirsanaa Maleeshiyadii dooneysay in ay jid-gooyada dhigato.

Sarkaal u hadlay Ciidamada gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in markii uu dagaalkaas istaagay kadib uu jawiga ku soo noqday deganaantiisa, isla markaana ay iska tageen kooxihii doonayay inay jid-gooyooyinka dhigtaan.

Iska hor-imaadka ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Afhayeenka Beesha Sade C/llaahi Dheere uu sheegay in ay ku guuleysteen in magaalada gudaheeda laga qaado jid-gooyooyin muddoyinkan u yaalay kooxo maleeshiyooyin ah oo gaadiidka gala iyo kuwa ka soo baxa Dekedda Kismaayo ka qaadan jiray lacago baad ah.

Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa xaalkeeda wuxuu yahay mid marba weji la soo baxaya iyadoo mararka qaarkood ay ka dhacaan dilal iyo dhac, halka mararka qaarkoodna laga soo sheego iska hor-imaadyo magaalada gudaheeda ku dhexmara kooxo hubeysan iyo Ciidamo ka taliya, iyadoo taasina ay muujineyso in magaalada Kismaayo uusan ammaankeedu hagaagsaneyn.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar sii horeysay oo wax laga weydiiyay arrimaha magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in aysan magaaladaas hoos imaanin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taliyaan Qabaa’illo, inkastoo hadalkaas ay diideen mas’uuliyiinta maamusha magaalada Kismaayo oo iyagu sheegay in uu meesha ka taliyo maamul ay Dowladda Federaalka soo magacawday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia