Khamiis, January 17, 2008(HOL): Magaalada Muqdiso ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal khasaare ba'an gestay oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo dagaalkaasina uu geystay dhimashada Dad 20 ruux ka badan iyo dhaawac iyana 100 ruux kor u dhaafaya.
Dagaalka oo bilowday abaara 1-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ayaa waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin iyo Black Sea, iyadoo dagaalkaasina uu qarxay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo doonayay in ay howlgallo ka sameeyaan qeybo ka tirsan Wadada 30-ka ay dhexda uga soo baxeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dad goob-joogaaal ah oo ku sugnaa meel aan u dheereyn halka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxay sheegeen in ay arkeen meydad isugu jiray dad rayid ah iyo Ciidamada Itoobiyaanka, inkastoo aysan sheegin tirada meydadka ay arkeen.
Dagaalka ayaa markii uu socay qadar daqiiqado ah waxaa bilowday Madaafiic isugu jirtay Hoobiye BM iyo midka laga rido Taangiyada, kuwaasi oo intooda badan ku dhacayay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Dawada iyo weliba Dugsigii Xamar Jadiid, waxaana lagu soo waramayaa in ay gudaha Suuqa Bakaaraha ku geeriyoodeen dad 20 ruux gaaraya.
Marka laga soo tago dadkaas dhintay waxaa jiray dad kale oo ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo qaarkood la waayay intii dagaalka socday meel loo marsiiyo Isbitaallada Muqdisho. Warar aan ka helnay Isbitaallada Keysaney iyo Madiinana waxay sheegayaan in ay dagaalkii maanta ku dhaawacmeen dad 100 ruux ka badan, kuwaasi oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Sidoo kalena Madaafiic kale oo iyana ku dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Waaberi ayaa waxay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray, iyadoo madfac ku dhacay Xaafadda Siigaale uu qoys dhan oo ka koobnaa 6 ruux uu 1 ruux ka soo reebay, halka qoys kale oo aan u dheereyn halka uu qoskaas ku baaba'ayna uu madfac ku dhacay u geystay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 3 ruux oo kale.
Wuxuu ahaa Dagaalkii ugu ba'naa ee ay dad rayid ah khasaare ka soo gaarto kadib markii madaafiic aan loo meel dayin lagu duqeeyay meelo ay dad rayid ah ku badnaayeen sida Suuqa Bakaaraha oo kale, marka laga soo tago dagaallo horay Muqdisho uga dhacay, kuwaasi oo inta badan ka dhici jiray meelo aysan dadka ku badneyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia