Dagaal goor dhaweyd ka bilowday qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, January 17, 2008(HOL): Dagaallo xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka bilowday qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Cali Kamiin.

Dagaalkan ayaa wuxuu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo ku soo faafay qeybo ka mid ah wadadaas ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ay labo askari dileen, kadibna ay sidaas rasaasta ku bilaabatay.

Madaafiic ay Ciidamada Itoobiyaanka ridayaan ayaa waxay ku soo dhacday qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan Dugsigii Xamar Jadiid, iyadoo sidoo kalena  warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ay madaafiic ku dhaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.

Dagaalkan ayaa markii uu bilowday waxaa uu saameyn ku yeeshay dad tiro yar oo ku sugnaa guryahooda oo ku yaala hareeraha Wadada 30-ka, kuwaasi oo markii uu dagaalka bilowday halkaas isaga cararay si aysan dhibaato uga soo gaarin dagaalka.

Lama hayo ilaa iyo haatan wax faah-faahin oo dagaalkan ku saabsan, marka laga reebo in rasaas iyo madaafiic laga maqlayo meelaha uu ka socdo oo ka mid ah Wadada 30-ka.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaafado ka tirsan Degmada Hodan uu habeenkii xalay ahaa dagaal ka dhacay, inkastoo xaafadaha uu dagaalka ka dhacay ay ahaayeen kuwo maran oo dadkii deganaa ay horay uga barakaceen.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkan kala soco Hiiraan Online Haddii Alle Idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia