Dagaal xalay ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo sababay in uu dhaawacmo Abwaan Soomaaliyeed oo caan ah

Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare)
Khamiis, January 17, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Dagaalka labadaas dhinac dhexmaray ayaa waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafadaha Al-Baraka, African Village iyo Tareebuunka, waxayna labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaare dagaalka ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay balse waxaa jiray dad ay waxyeeleysay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen, waxaana dadkaasi ka mid ah Abwaan Yuusuf Maxamed Muumin (Yuusuf Yare) oo isagoo marayay Xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ay rasaas habow ah  madaxa ka haleeshay, inkastoo dhaawaciisa uu yahay mid fudud oo dhowr qodob laga tolay.

Abwaan Yuusuf Yare oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Fannaaniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan ayaa intii uusan soo gaarin magaalada Muqdisho wuxuu xiligii dagaallada sokeeye ku noolaa dalka dibaddiisa.

“Waxay ahayd wax aan u bareernay in aan dadkeena dhibaatada la qeybsanno oo aan la noolaado, waana la sii noolaan doonaan”ayuu yiri Abwaan Yuusuf Yare oo sheegay in dhaawaciisa uu yasiran yahay, isla markaana lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kalena, labo ruux oo rayid ah ayaa iyana waxay xalay ku dhaawacmeen dagaalkaas iyagoo ay rasaas wiifto ah ku dhacday xili ay dadkaasi ku sugnaayeen xaafadahooda oo Degmada Waaberi ku yaala.

Dhanka kalena, waxaa xalay deganeyd Degmooyinka ee Magalaada Muqdisho  sida Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid oo ay habeennadii la soo dhaafay dagaallo ka dhaceen.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay oo idil waxay ahayd mid aan xasilooneyn, waxaana mudadaas sanadka ah ka dhacayay dagaallo, qaraxyo iyo dilal, iyadoo ay xusid mudan in dagaallo dhacay ay geysteen dhimasho, dhaawac iyo barakac dad aad u badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia