Isniin January 14, 2008(HOL): Xaaladda ammaan ee magaalada Boosaaso ayaa muddooyinkan waxay ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxaana marar kala duwan oo sii horeeyay ka dhacay falal amni darro ah oo isugu jiray af-duubyo, qaraxyo iyo dilal.
Xalay oo ugu dambeysan gudaha magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Madaxtooyada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Siciid Maxamed, waxaa la sheegay in ay Askarigaas toogteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.
Taliyaha Qeybta Bartamaha Boosaaso Mursal Xaaji Siciid oo xaqiijiyay dilka Askarigaas ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan kooxihii ka dambeeyay dilka Askariga, isla markaana haddii uu baaritaanka u soo dhamaado ay soo bandhigi doonaan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay qaraxyo aan ilaa iyo haatan la ogeyn ciddii ka dambeysay, kuwaasi oo qaarkood lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo Boolis ah oo la sheegay in ay xiligaas ku jireen socod roondo ah.
Sidoo kalena Kooxo hubeysan iyo Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa dhawaan waxay ku dagaalameen Xaafadda Biyo Kulule ee Bariga Boosaaso, iyadoo dagaalkaasina uu dhacay kadib markii Ciidamada Ammaanka weerareen guri ku yaala Xaafadda Biyo-Kulule, kaasi oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Rag ka dambeeyay af-duubyo dhawaan ka dhacay magaalada Boosaaso.
Dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa si weyn walaac uga muujinaya falalka amni darrada ah ee ka soo cusboonaaday Magaaladaas oo ah Magaalo laf-dhabar u ah ganacsiga Puntland, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadka qaarkiis ay cabsi ka muujinayaan in uu faraha ka baxo Ammaanka Boosaaso.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa wuxuu sheegay in falalka Amni-darrada ah ee ka soo cusboonaaday Magaalada Boosaaso ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan Dad meelo kale ka yimid oo sida uu yiri uu dhibayo amniga ka jira Deegaannada Puntland.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia