Dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho

Isniin January 14, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta wuxuu ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ka soo bilowday Isgoyska Bakaaraha ayaa wuxuu ku faafay Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ee Wadada Wadnaha, iyadoo halkaasina ay dhinacyadii ku dagaalamay ay isugu adeegsadeen rasaas xooggan iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxay Saldhigga Degmada Hodan lagu weeraray Isgoyska Bakaaraha, iyadoo dad goob-joogayaal ah oo halkaasi ku suganna ay sheegeen inay arkayeen ilaa seddex askari iyo qof rayid ah oo dhulka yaala, kuwaasi oo la kala ogeyn inay dhaawac ahaayeen iyo in ay dhinteen.

Dagaalka ayaa markii uu cabaar socday waxaa ay dhinacyadii dagaalamayay isla soo galeen Waddooyinka Koowaad iyo Labaad ee Suuqa Bakaara oo isku xira Isgoyska Howl-wadaag ilaa Baar Ubax iyo Isgoyska Aadan Cadde ilaa Carwo Idko, waxaana waddooyinkaas laga maqlayay rasaas ay labada dhinac isku ridayeen.

Ilaa haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha uu geystay dagaalka maanta ka dhacay Wadada Wadnaha iyo gudaha Suuqa Bakaaraha, hayeeshee waxay dadka ku sugan aagga dagaalka uu ka dhacay  ay sheegayaan in uu dagaalkan khasaare geysan karo iyagoo taasina sabab uga dhigay in ay jirtay rasaas tiro badan oo ay labada dhinac si aan loo meel dayin ay u rideen, taasi oo meelo dhow iyo meelo fogba khasaare ku geysan karta.

Dhanka kalena, Waxaa jirtay in Ciidamo Boolis iyo Mileteri ah oo beryahan xiisad ay ugu dhaxeysay gacanta ku heynta Isgoyska Howl-Wadaag oo Gaadiidka BL-ka ah lacago aan sharci ahayn looga qaado ay is-rasaaseeyeen intii uu socday dagaalkii ay iskala soo horjeedeen Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, iyadoo kadibna ay Xaaladda cakirantay oo rasaastii ay dhinacyadaas isku ridayeen ay sii korortay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho oo habeenno sii horeeyay deganeyd ayaa habeen hore, xalay iyo maanta waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia