Xubin kale oo laga xiray Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye

Isniin January 14, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay qabteen oo ay xabsiga u taxaabeen Jimcaale Maxamuud Nuur oo ka tirsan Guddoomiye ku xigeennada Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo xaqiijiay xariga mas’uulkaas ayaa wuxuu sheegay in ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay mas’uulkaas ka kaxeysteen gurigiisa kadibna ay u taxaabeen Xabsiga Baarista Xisbiga.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in mas’uulkan laga xiray Golahooda uu yahay qofkii shanaad, iyadoo horayna loo xiray afar xubnood oo Golahaas ka tirsan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Dheere oo kala ahaa Afhayeenka Dhaqanka iyo Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

“Wax kale oo loo xiray ma jiraan raggaas oo aan ka ahayn in aan la ogoleyn howsha ay bulshada u hayaan ee ah in la sheego dhibaatooyinka ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ku hayaan dadka Muqdisho”ayuu yiri Axmed Diiriye.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in xariga loo geystay raggaas aysan habacsanaan u keeni doonin howsha ay bulshada u hayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xubnaha golahooda ay dhan yihiin 177 ruux, “waan u dhabar adeygeynaa howsha aan bulshada u heyno waana md aan u bareernay oo aanan ka laaban doonin”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ragga laga xiray ay yihiin kuwo  taariikhda baal dahab ah ka geli doona oo markaasina ay dadka Soomaaliyeed xusuusan doonaan.

Mar  wax laga weydiiyay halka ay ku dambeeyaan raggii horay looga xiray ayuu sheegay in  C/llaahi Dheere iyo Nin kale oo lagu magacaabo Xasan Raage ay ku xiran yihiin Baarista Xisbiga, halka Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed Cali Gees-na aysan ogeyn meel ay ku sugan yihiin, “Axmed Diiriye iyo Shiikh Axmed Cali Gees mar waxaa naloo sheegaa in la dilay, marna waxaa naloo sheegaa inay nool yihiin oo ay Itoobiyaanka meel ku qarinayaan”ayuuna yiri Maxamed Xasan Xaad.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu cambaareeyay xarig ay shalay Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula kaceen Agaasimaha Idaacadda Somaliweyn iyo Wariye Bashiir Maxamed C/qaadir oo Idaacaddaas ka tirsanaa, wuxuuna sheegay in xarigga Wariyayaashaas uu qeyb ka yahay caburinta lagu hayo Dadka ka hadla dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho, “Wariyayaasha waxaan leeyahay u dhabar-adeyga howsha aad bulshada u heysaan, wax loo eedoobana waxaa ugu fiican dalkaaga iyo dadkaaga”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia