Khamiis, January 10, 2008(HOL): Beelo wada dega Xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in uu shalay gelinkii dambe dhexmaray dagaal sababay dhimashada 5 Ruux iyo dhaawaca 3 Ruux oo kale, kaasi oo sida la sheegay salka ku haya aanooyin qabiil.
Deegaannada Ceel Baraf iyo Qoryaale oo ay maleeshiyooyinka labada beelood ku dagaalameen ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ka jirto xiisad colaadeed oo saameyn ku yeelatay dadkii halkaasi ku noolaa, inkastoo haatan ay socdaan dadaallo ay wadaan waxgarad, odayaal iyo dhalinyaro Culumaa’udiin ah oo colaadda ku soo baxay, kuwaasi oo la rajeynayo in ay xiisaddaas qaboojiyaan.
Dagaalka ka dhacay xadka u dhaxeeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu yahay mid soo noqnoqday oo aan ilaa iyo haatan loo helin xal kama dambeys ah, inkastoo dhowr jeer oo hore la qabtay shirar colaad joojin ah oo heshiisyo ku gaareen odayaasha labada beelood.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Maamullada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ku saabsan colaadda dib uga soo cusboonaatay xadka u dhaxeeya labada gobol, inkastoo la soo sheegayo in ay haatan maamullada labada dhinac ka wada hadlayaan sidii loo qaboojin lahaa colaaddaas.
Dagaalka ka dhacay xadka u dhaxeeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2007 uu deegaanka Moqa-kori ka dhacay shir lagu soo af-jarayay colaad in muddo ah u dhaxeysay Beelo ka soo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in Odayaashii shirkaas isugu yimid ay hoggaaminayeen Duubabka dhaqanka Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee kala ah Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.
Gunaanadkii shirkaas ayay Odayaasha labada beelood isla guddoonsadeen in aaney mar kale labada beelood ka dhex dhicin wax colaad ah, isla markaana qofkii qof dila isna la dilo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalka dhexmaray Beelaha wada dega xadka u dhaxeeya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu yahay midkii koowaad oo dhexmaray labada beelood tan iyo markii uu bilowday sanadkan 2008, iyadoo la xusuusan yahay in dagaallo horay u dhexmaray labada beelood uu geystay dhimashada dad tiro badan oo labada beelood ka soo jeeda, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo aan iyana tiro yareyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia