Khamiis, January 10, 2008(HOL): Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa laga soo sheegayaa abaaro saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada deegaanadaas ku dhaqan.
Deegaanada Abaaraha laga soo sheegayo ayaa waxay hoos-yimaadaan Degmooyinka, Balanbal, Cabuud-waaq, Dhuusa-mareeb iyo Guriceel, waxaana lagu soo waramayaa in dadkii iyo duunyadii deegaanadaas ku noolaa ay ku nool yihiin xaalad abaareed oo aad u daran.
Xuseen Jaamac Guuleed oo ka mid ah guddi loo xilsaaray u qeylo-dhaaminta wax-ka-qabashada abaarta ka jirta Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in muddo seddex sanadood ah uu gobolka ku sugan yahay xaalad abaareed oo aad u daran.
Xuseen Jaamac Guuleed wuxuu sheegay in ay Dad gaaraya 20 Ruux ay u geeriyoodeen cudurro iyo nafaqo-darro, wuxuuna sheegay in haddii aan dadkaas gargaar deg deg ah lala gaarin ay xaaladdooda halis ku jirto.
Waxaa jiray gargaar ay hay’adaha samafalka gaarsiiyeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, hayeeshee uusan gargaarkaasi ahayn mid ku filan dad tiro badan oo ay abaaro ku heyso deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Abaar aad u daran oo sanadkii 2006 ku dhufatay Gobolka Galgaduud ayaa wax xoogga lagu xakameeyay gurmad deg deg ah oo ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahisa iyo dibaddiisa ay u fidiyeen dadka ku nool gobolka, kuwaasi oo haatan mar kale u baahan gurmad deg deg ah oo lala gaaro.
Ugu dambeyntiina, Xuseen Jaamac Guuleed wuxuu sheegay in ay baaq u dirayaan Hay’adaha Samafalka iyo weliba Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa iyo gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka walaalahood ah ee ku dhibaateysan Gobolka Galgaduud.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia