Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo maanta la horgeynayo Baarlamaanka Soomaaliya

Khamiis, January 10, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in maanta la horgeynayo baarlamaanka Soomaaliya Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Wararku waxay intaas ku darayaan in magaalada Baydhabo ay ka socdeen saacadihii la soo dhaafay is-xulufeysi ku saabsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasi oo qaarkood ay doonayaan in Xukuumadda la ansixiyo, halka kuwo kalena ay rabaan in lagu celiyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, iyagoo taasina sabab uga dhigaya in aaney Xukuumaddan ahayn mid loo dhan yahay oo tayo leh.

Sidoo kalena qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo ayaa hadana lagu soo waramayaa in aysan Xildhibaannada isku fikir ka ahayn, waxayana Xildhibaannada qaarkood qabaan in si gacan taag ah loogu codeeyo, halka kuwo kalena ay doonayaan in cod dhiibashada noqoto mid qarsoodi ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Xildhibaano ku fikir ah ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in Xukuumadda si gacan taag ah loogu codeeyo, inkastoo Axdiga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhigayo in haddii ay Xildhibaano tiradooda dhan tahay 13 Xubnood ama ka badan ay soo jeedinayaan in cod dhiibashada ay qarsoodi noqoto, taasi la qaadanayo.

Haddaba si ay ansax u noqoto Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay u baahan tahay in ay hesho 139 Mudane oo codka kalsoonida siiya, iyadoo haddii ay intaasi weysana ay noqoneyso mid aan ka gudbin Baarlamaanka oo la laalay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia