Khamiis, February 07, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta Kormeer kedis ah ku soo Maray meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Biriijka Cusub ee laga dhisayo Magaalada Hargeysa,Wershada Korontada ee Hargeysa, Cisbitaalka Cusub ee Dhawaan laga bilaabay dhismihiisa Degmada Gabilay iyo Kastamka Cashuuraha ee kala badhay.
Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Qaar ka mid ah Hoggaanka Jaaliyadda Somaliland ee Norway iyo Marti-sharaf kale. Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku Saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland. Kaas oo u dhignaa sedan;
“Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefdi uu hogaaminayo ayaa Maanta Kormeer Kedis ah ku soo maray Meelo badan oo ay ka mid yihiin :
1. Biriijka Cusub ee Laga dhisayo Magaalada Hargeysa.
2. Wershada Korontada ee Hargeysa
3. Cisbitaal cusub oo dhawaan laga bilaabay Magaalada Gabilay
4. Xafiisyada degmada Gabilay
5. Kastamka Cashuuraha ee Kala Baydh
Madaxweynuhu waxa uu Magaalada Gabilay u dhaafay Magaalada Tog Wajaale , halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Degmada Wajaale , Saraakiil sare oo ka tirsan Maamulka Wajaale , Madax dhaqameedyo ,Odayaal iyo dadweyne fara badan oo Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Caleemo qoyan.
Hadal kooban oo soo dhawayn ah oo uu halkaasi ka jeediyay Mudane Cabdi Saleebaan Xirsi oo ka tirsan Odayaasha degmada Wajaale, waxa uu Madaxweynaha ugu mahad naqay Socdaalka uu ku yimid degmada Wajaale , waxan uu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha safaradii uu dhawaan ku tagay dalalka dibada iyo guushii uu ka soo hooyay.
Waxa kale oo uu sheegay in Magaalada Wajaale oo ay isugu yimaadeen dad fara badan oo ka kala yimid daafaha JSL iyo dalalka aynu dariska nahayba in ay u baahan tahay in si dhakhso ah looga hawl galo adeegyada iyo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee dadweynaha halkaasi ku nool , kuwaasi oo ay ugu mudan yihiin Biyaha iyo Caafimaadka .
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay , waxa uu ku hambalyeeyay dadka reer Wajaale sida ay u hanteen, una ilaaliyeen Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka, iyaga oo Magaaladoodu ku taalo meel xuduud ah. Waxaanu Madaxweynuhu u sheegay in hadda gacanta lagu hayo si dhakhso ahna loo dhamays tiri doono Mashruuca Biyaha ee loogu tallo galay Wajaale , iyada oo Mashaariicda kale oo goobaha caafimaadku ay ka mid yihiin iyana xukuumadu intii tamarteeda ah ay ka hir galin doonto Magaalada Wajaale, waxase Madaxweynuhu tibaaxay in ay lagama maarmaan tahay in dadka ganacsatada ah iyo Bulsho weynta reer Wajaale ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay dadweynuhu u baahan yihiin.
Madaxweynuhu iyo Wefdigiisii waxa ay dabadeedna ku hakadeen Magaalada Arabsiyo , halkaasi oo qado sharaf loogu sameeyay huteel ku yaala Arabsiyo .
Markii Marti qaadkaasi u dhamaaday, waxa Madaxweynaha hadal soo dhawayn ah u jeediyay Odayaal ka tirsan Degmada Gabilay oo Madaxweynaha si weyn ugu hambalyeeyay isaga iyo xukuumadiisaba dedaalka balaadhan ee ay u galeen gooni isu taaga iyo Ictiraafka Somaliland , taas oo ay ka turjumayso socdaaladii ay dhawaan Madaxweynuhu ku tagay Wadmada Ingiriiska iyo Maraykanka .
Odayaashii halkaasi ka hadlay waxa ay sheegeen in Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin , sidii ay ugu guulaysan lahaayeen qaranimada iyo Ictiraafka Somaliland.”
Kormeerkaasi waxa Madaxweynaha ku weheliyay dhawr Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Somaliland iyo Saraakiil ka tirsan Qurba jooga reer Somaliland oo uu ka mid yahay Wakiilka Somaliland ee Norway iyo Hogaamiyaha Ururka Jaaliyada Somaliland ee Norway.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland