Khamiis, February 07, 2008(HOL): Waxaa shalay lagu sii daayay gudaha magaalada Baydhabo Maxaabiis ku xirneyd gudaha dalka Itoobiya oo markoodii hore laga qabtay gudaha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Maaabiistaas oo tiradooda gaareysay 28 ruux ayaa waxaa laga qabtay Gobollada Hiiraan, Banaadir iyo Jubada Hoose, halka ay ku jireen dad kale oo laga soo qabtay dalka Kenya, iyadoo kadibna loo qaaday xero Mileteri oo ku taala gudaha dalka Itoobiya.
Maxaabiistan oo qaarkood saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay muddo sanad iyo labo bilood ah ku xirnaayeen Xero Mileteri oo ku taala Deegaanka Hawaase, iyadoo halkaasina ay qaarkood ku xanuunsadeen.
“Halka ay Xeradaas ku taalo waa meel qabow badan, annagana ma heysan wax aan qabowga isaga celino, sidaas darteed qaarkeed ayay qaarkeen lugaha naafo ka noqdeen, qaar kale oo naga mid ahna waxaa ku dhacay xanuunno ay Malaria ka mid tahay”ayuu yiri mid ka mid ah Maxaabiistii shalay gudaha Baydhabo lagu sii daayay
Maxaabiistan oo aad ugu faraxsanaa in ay dib xoriyaddooda u heleen ayaa waxay sheegeen in aysan jirin wax ciqaab ah oo ay u geysan jireen Askartii heysay, marka laga reebo in ay mararka qaarkood la kulmi jireen caga jugleyn xiligaasi oo ah marka ay Maxaabiista u qeyliyaan in la siiyo biyo iyo waxyaabo kale oo ay u baahanayeen.
“Ciidamadii na hayay waxay na weydiin jireen su’aalo ay ka mid ahaayeen yaad u shaqeyneyseen, ma taqaanaan Shiikh Xasan Turki, Shiikh Xasan Daahir, Shiikh Shariif, maxay heystaan maxkamadaha iyo su’aalo kale”ayuu yiri mid ka mid ah Maxaabiistaas oo sheegay in Ciidamadii hayay ula ekaayeen kuwo ka baqayay shuruucda u taala ciidamo ahaan bacdamaa marka aan jawaabaha u diidnay aysan noo geysan wax jir-dil ah.
Sida uu sheegay mid ka mid ah ragga la sii daayay Maxaabiista waxaa ka mid ah labo Nin oo madaxa looga jiro, kuwaasi oo laga soo qabtay Kenya iyo Magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in ay taasi muujineyso in ay Ciidamada Itoobiyaanka iska qabanayeen cid kasta oo ay arkaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, sida uu ku waramay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Baydhabo oo isagu ka mid ahaa Saraakiishii Maxaabiistan lagu wareejiyay ee sii deysay ayaa sheegay in sii deynta maxaabiistan ay qeyb ka tahay dadaalka dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in Xukuumadda cusub ay sii deysay Odayaal ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo Maxaabiis ahaan ugu xirnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia