6/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2008
PROF. IBRAAHIM XASAN CADDOW: “Annagu ma nihin argagixiso ee waxaan nahay dad nabadeed, warkaasina waxaa buunbuunisay Dowladda Itoobiya oo aan rabin in ay Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho”

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxkamadihii Islaamka-Prof. Ibraahim Xasan Caddow
Khamiis, February 07, 2008(HOL): Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ah Xoghayaha Maxkamdihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Soomaaliya ayaa xalay isagoo u waramayay TV-ga Al-Jazeera waxaa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan sida  dhibaatada Soomaaliya ka taagan xal loogu heli karo, sida ay u arkayaan dadaalka dib u heshiisiinta ah ee uu wado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wixii ka qaldamay xiligii ay xukunka hayeen iyo waxa ka jira in uu khilaaf  ka dhex jiro dhinacyadii wada aas-aasay Maxkamadihii Islaamka.

Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo xalka mushkiladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu xalka ku jiro iyadoo ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, wuxuuna intaas ku sii daray in marka ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ay Soomaalida aayaheeda ka tashan doonto.

“Ciidamada Itoobiya Soomaaliya waxay ku soo galeen si sharci darro ah, marka waa in ay baxaan, annaga fikirkaas ayaan horay u qabnay, hadana aan qabnaa”ayuu yiri Prof. Caddow oo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay dhibaatooyin u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa  la weydiiyay sida ay u arkayaan dadaalka dib u heshiisiinta ah ee uu wado Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in aysan weligood dib u heshiisiin iyo wada hadal ka soo horjeesan, hayeeshee ay taasi hor doonayaan in wadanka laga saaro ciidamada Itoobiya.

“Sida aad la socotaan Annaga afar jeer ayaan Khartoum-Sudan u tagtay wada hadallo aan la lahayn Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasina waxay caddeyneysaa in aan wada hadal diyaar u nahay”ayuu mar kale yiri Prof. Caddow.

Ma jirtaa in aad kala qeybsan tihiin dhinacyadiina dagaalka ka wada Soomaaliya ayay ahayd su’aal kale oo la weydiiyay Prof. Caddow, wuxuuna sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya, balse uu jiro fikir kala duwanaansho ku aadan qaabka dalka looga saarayo Ciidamada Itoobiya.

Prof. Caddow intii uu wareysiga bixinayay waxaa uu dib u qooraansaday xiligii ay talada hayeen, wuxuuna sheegay in ay jireen qalalaad yar yar oo ay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maxkamadaha ku fududaadeen, wuxuuna waxyaabaha lagu fududaaday uu ka xusay joojintii Isboortiga, Shineemooyinka, Footooyinka iyo kuwo kale oo u baahnaa in waqti la siiyo.

Wuxuu ka hadlay eedeymaha loo jeediyo ee ku aadan in ay gacan saar la leeyihiin Ururro argagixiso ah, wuxuuna sheegay in ay wararkaas yihiin kuwo aan sal lahayn oo ay dowladda Itoobiya ka fidisay, “Annagu ma nihin argagixiso ee waxaan nahay dad nabadeed, warkaasina waxaa buunbuunisay Dowladda Itoobiya oo aan rabin in ay Soomaaliya nabad iyo xasilooni hesho”ayuuna yiri Prof. Ibraahim Xasan Caddow.

Ugu dambeyntiina Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo wax laga weydiiyay sida uu ku imaan karo xalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in haddii ay faragelinta shisheeye ka baxdo ay dadka Soomaaliyeed aayahooda ka tashan karaan iyagoo xor ah oo aan cidna ka baqeynin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia