Xeradii Tababarka Ciidamada Balli-Doogle oo la bililiqeystay

Talaado, February 19, 2008(HOL):  Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in la bililiqeystay Xerada Tababarka Ciidamada Balli-Doogle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Dad ku sugan Degmadaas oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay noo xaqiijiyeen bililiqada loo geystay Xeradaas, iyagoo weliba sheegay in ay arkeen Jiingado iyo Alwaax laga soo fujiyay dhismayayaal xeradaas ku yaala oo lagu iibinayo Suuqa Xaraashka Degmada Wanla-weyn.

 

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda bililiqeysatay xeradaas, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay Xerada ku qamaameen Dad deegaanka ah kadib markii ay ka baxeen Ciidamadii ku sugnaa, halka warar kalena ay sheegayaan in ay bililiqadaas geysteen Ciidamo xerada ku harsanaa.

 

Xeradaas ayaa waxaa dhawaan weeraray Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo muddo kooban oo ay halkaas heysteen ka qaatay Qori Gacmeedyo, Lacag iyo weliba tas-hiilaad kale oo ay lahaayeen Ciidamadii Xeradaas laga qabsaday, iyadoo ay xusid mudan tahay in halkaas lagu gubay labo gaari oo ay lahaayeen saraakiishii xukumeysay Ciidamadii halkaas ku sugnaa.

 

Bililiqada loo geystay Xeradan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan ay halkaas isaga baxeen Ciidamo Mileteri ah oo ku sugnaa kuwaasi oo kala aaday Magaalooyinka Beledweyne iyo Afgooye, iyadoo saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysayna ay sheegeen in ay go'aankaas bixitaanka qaateen kadib markii ay daryeel ka waayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Col. Yuusuf Ku-Dal-Dal oo ka mid ah Saraakiisha isaga soo baxay Xeradaas ee soo gaaray Degmada Afgooye ayaa sheegay in seddex jeer oo lagu soo weeraray xeradaas ay wax gurmad ah ka waayeen Dowladda Federaalka, isagoo intaasna ku daray in ay sidoo kale daryeel caafimaad u waayeen rag kaga dhaawacmay weerarro lagu soo qaaday.

 

Sidoo kalena Col. Axmed Guuto oo isna horkacayay Ciidamadii gaaray Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu go'aansaday in uu isaga tago Xerada Balli-Doogle, isla markaana uu Gobolka Hiiraan Dib ugu celiyo Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo uu horay uga soo kaxeeyay, wuxuuna sheegay in uu go'aankaas qaatay kadib markii ay Dowladda Federaalka ka waayeen Xuquuqdii ay ku lahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia