Xildhibaan Maxamed Qanyare oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya

Talaado, February 19, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha aan fikradahooda la gamban ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed in uu caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu sheegay in madaxwenaha wareysigii ugu dambeeyay ee uu bixiyay uu ku  sheegay in aanu dib u heshiisiinta wadi karin qof kaliya, wuxuuna Xildhibaan Qanyare taasi ku macneeyay in uusan la dhacsaneyn Madaxweynaha dadaalka dib u heshiisiinta ah ee uu wado Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

"Madaxweynaha wuxuu gacanta kula jiraa howl kasta oo la qabanayo haddii ay ahaan lahayd, Xukuumad, Wasaarado ilaa Baarlamaan, taasina waa mid hareer marsan sharcigii lagu soo heshiiyay ee aas-aaska looga dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya"ayuu yiri Xildhibaan Qanyare oo sheegay in Dowladda Federaalka ay tahay Dowlad Dib u heshiisiineed.

"Waan soo dhaweynayaa dadaalka dib u heshiisiinta ah ee ay waddo Xukuumadda cusub ee uu Ra'iisal Wasaaraha ka yahay Nuur Cadde, waana wax loo baahan yahay in wada hadal iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo Mushkiladda Soomaaliya, sababtoo ah Dadka Mucaaradka ah  ee Dowladda la dagaalamaya ama Asmara jooga dalka ayay xaq ku leeyihiin"ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaan Maxamed Qanyare waxaa uu sheegay in shirkii Kenya lagu qabtay ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya la isugu geeyay Hoggaamiye Kooxeedyo soo dagaalamay oo sida uu yiri uu xitaa Madaxweynaha ku jiro, wuxuuna sheegay in shirkaas ay ka soo baxday Dowald Dib u heshiisiineed oo ay tahay in ay  Nabad iyo Wada Hadal wax ku raadiso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia