Ciidamadii Dowladda Federaalka ee ku jiray Suuqa Bakaaraha oo halkaas isaga baxay

Talaado, February 19, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay gudaha u galay Suuqa Bakaaraha ayaa halkaas isaga baxay kadib markii ay muddo saacado ah ku sugnaayeen Suuqaas.

 

Ciidamada Dowladda ayaa intii ay ku sugnaayeen gudaha Suuqa waxaa la sheegay in ay geysteen falal dhac ah oo ay kula kaceen goobo ganacsi oo qaarkood dadkii lahaa ay ka maqnaayeen, halka kuwo dadkii lahaa ay joogeenna ay hortooda ku qaateen hantidooda.

 

Ciidamada dhaca geystay oo ah kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intii ay gudaha Suuqa ku jireen waxaa dusha ka ilaalinayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha ee Waqooyiga iyo Koofurta ka kala xiga Suuqa Bakaaraha.

 

Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in ay Ciidamada Dowladda dhac baahsan ka geysteen Suuqa Bakaaraha, isla markaana uu isaga qudhiisa uu si dirqi ah uga baxsaday in ay qabtaan ama ay waxyeello u geystaan.

 

Sidoo kalena waxaa jiray dad ay ciidamada toogteen oo qaarkood ay dhaawacmeen, halka kuwo kalena ay dhinteen, waxaana dadkaasi ka mid ah labo nin oo ay Ciidamada ku toogteen agagaaraha Isgoyska Aadan Cadde kadib markii ay labadaas nin isku dayeen in ay ka baxaan guryo ay xalay ku go'doonsanaayeen.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in haatan xaaladda Suuqa ay tahay mid degan oo aaney wax iska hor-imaadyo ah ka jirin, marka laga reebo rasaas laga maqlayo Isgoyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee dusha ka ilaalinayay ayaa waxay gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha kadib markii shalay qorax dhicii weerar culus lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag, iyadoo muddo kooban ay Isgoysyadaas gacan  ku heyntooda la wareegeen Kooxihii Weerarka ku soo qaaday Ciidamada Dowladda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, falalka dhaca ah ee ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka geysteen Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa si weyn uga xumaaday Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo iyagu inta badan ay noloshooda ku tiirsan tahay Suuqaas oo ah midka ugu weyn Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia