Isniin, February 18, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Wafdi uu horkacayo oo ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada ayaa saaka waxay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa markii ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Villa Somalia oo uu haatan ku sugan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Si loo sugo ammaanka Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa saaka Ciidamo badan lagu daadiyay Waddooyin dowr ah oo Muqdisho ku yaala, sida Wadada ka timaada Garoonka Diyaaradaha ee tagta Isgoyska KM4, Wadada Makka Al-Mukarama iyo tan KM4 ka baxda ee u kacda dhinaca Afisyooni.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay wada hadallo ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan ka wada hadleen.
Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa mar kasta oo ay yimaadaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka waxaa lagu weeraraa Madaafiic Hoobiyayaal ah, iyadoo shalay iyo dorraad lagu tuuray Madaafiic qaarkood ay Dad Rayid ah ku dhaawaceen Xaafadda Caga-dhiig ee Degmada Wardhiigley.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Muqdisho tago tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ahayd dhawaan markii ay Muqdisho tageen isaga iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada, kuwaasi oo intii ay joogeen sii daayay Odayaal ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo u xirnaa Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia