Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Buundada Liiq-Liiqato ee Mag.Beledweyne

Isniin, February 18, 2008(HOL):  Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka ayaa habeenidii xalay ku geeriyooday 5 ruux oo rayid ahna dhaawac ayaa ka soo gaaray weerar xalay kooxo hubeysani ku qaadeen fariisin Ciidamadu ku la haayeen Buutadda Liiq-liiqato Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne.
 
Askariga geeriyooday oo ka tirsanaa Ciidamadda Malatariga ayaa sida uu HOL u xaqiijiyay G/sare Max'ed Max'uud (Garaar) waxaa uu ka go'ay lugta Bidix taas oo keentay in markii danbe uu  ku geeriyoodo Isbitaalka guud ee Magaaladda Beledweyne, isagga oo intaa ku daray in Ciidamada Dowladdu markiiba u soo qabteen weerarka ilaa 6 ruux oo qaar kood la tuhun san yahay.
 
G/sare Max'ed Max'uud  waxaa uu ka gaabsaday in ay jiraan dad rayid ah oo wax yeelo ka soo gaartay rasaas culus oo ay rideen Ciidamadda Dowladda kadib markii uu qaraxu dhacay, lakiin waxaa uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dadkii xiligaa isticmalayay Buutadda oo dhaawac soo gaaray.
 
Qaraxa habiinimadii xalay ka dhacay Buutadda Xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne ayaa sababay in dhamaan ay xirmaan goobihii ganacsigga islamarkaana dadku ku xaroodaan guryahooda,  waxaana ay Ciidamadu bilaabeen baaritaano ay ka sameeyeen
goobaha qaar.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan yuusuf Axmed Harag (Dabageed) oo u waramayay Laanta Afka Soomaligga ee BBC-da ayaa sheegay in xiligan Nabad-galadda Gobalka lagu tilmaami karo mid hagaagsan marka loo eego ayuu yiri qeybaha kale ee dalka, waxaana uu intaa ku daray Gudoomiyaha in Qaraxii ka dhacay xalay xaafadda Howl-wadaag ee Magaaladda Beledweyne uu ahaa mid ay soo abaabuleen kooxaha sida uu hadalka u dhigay nabad diidka ah maamulkuna talaabo ka qaadi doono.
 
Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne ayaa la oran karaa marka la eego Afarta Xafadood ee Magaaladu ka kooban tahay waa halka ugu badan ee amaan daradu ka jirto, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo kala duwan iyo weeraro lagu dilay Mas'uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Gobalka iyo Saraakiisha Ciidamadda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia