Dagaal xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho

Isniin, February 18, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo dhexmaray ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan qeybo ka mid Wadada Wadnaha iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Fariisin ay Ciidamada Dowladda  ku leeyihiin Isgoysyada Aadan Cadde iyo  Howl-Wadaag ee Wadada Wadnaha ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar xooggan oo loo adeegesaday hubka fudud iyo midka culus, iyadoo sidoo kale ay Ciidamada Dowladda ee la weeraray ay iyana adeegsadeen hub culus.

Intii uu socday iska hor-imaadkan ayaa xaafado u dhow  halka uu dagaalka ka dhacay waxaa ku dhacay madaafiic habow ah, inkastoo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin khasaare ay madaafiicdaas geysteen.

Mar kasta oo ay iska hor-imaadyo ka dhacaan magaalada Muqdisho waxay waxyeellada ugu badan ka soo gaartaa Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagto rasaasta ay isku ridayaan labada dhinac ee dagaalamaya.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, inkastoo dagaallada dhexmara ay yihiin kuwo aan waqti dheer socon oo dhaqsiba istaaga.

Muddo sanad ah ayay sii caga-cageyneysaa nabadgelyo-darrada ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo wixii waqtgaas ka horeeyayna ay Dadka Muqdisho heysteen Nabadgelyo lix bilood jirsatay oo ay dhaliyeen Maxkamadihii Islaamka ee laga itaalka roonaaday dhamaadka sanadkii hore.

Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya C/llaahi Ibraahim Shaacshaac ayaa ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dagaallada joojiyaan, isla markaana ay Dadka Shacabka ah dhibaatada ka daayaan, “Dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay dagaalka joojiyaa, isla markaana ay Dowladda fursad u siiyaan in ay Nabaddii iyo kala dambeyntii soo celiso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia